Duufaan cusub oo la yiraahdo Nate ayaa waxay ku dhufatay koonfur bari dalka Maraykanka, iyadoo dhalisay dabaylo, roobab xoog leh iyo daadad ku fatahay.
Waxay duufaantani garaacday labo jeer deegaanada Louisiana iyo Mississipi, waxaana yaraatay cabsidii weynayd ee la qabay inkastoo weli ay qataro ku jiraan degaanada Alabama iyo galbeedka Florida.
Hotel ku yaala deegaanadaasi ayaa la sheegayaa inay biyo fariisteen. cabsidii weynad ee la qabayna haatan ma jirto.
Koonfurta Alabama ilaa dad gaaraya shan kun oo qof ayaa koronto la’aan ah markii duufaantan ay dhulka soo dhigtay xargihii korontada.
Shan dakadood oo xeebaha ku yaalla ayaa la xiray. Waxaana sidoo kale la daadgureeyey shaqaale halkaasi ka shaqaynayay.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah deegaanada Louisiana iyo Mississippi,n iyadoo Duufaanta Nate loo yaqaano ay horray u soo laysay 25 qof wadamada Nicaragua, Costa Rica iyo Honduras, Balse weli wax dhaawac ama dhimasho ah kama aysan gaysan deegaanada Maraykanka ee ay hadda ku dhufanayso.
Duufaano isdaba joog ah ayaa dhowaanahan ku soo laalaabanayey xeebaha koonfureen ee Maraykanka kuwaasoo khasaarooyin naf iyo maalba leh geystay, iyadoo shacabka halkaas ku nool ay quus iyo qadiyaan ka joogaan duufaanada isdaba jooga ah oo loo sababeynayo isbedel ku yimid cimilada.