Seddexda Taliye Ciidan Ee Somaliland Oo Maanta U Anba Baxay Dalka Imaaraadka

0
627

Seddexda Taliye Ciidan Ee Somaliland Oo Maanta U Anba Baxay Dalka Imaaraadka

 

Hargeysa(Halsan):- Xubno ka mida masuuliyiinta xukuumada madaxweyne Biixi Iyo  Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida Ee Dalka ayaa Goor Dhawayd Dalka Ka Dhoofay Iyagu Ku Sii Jeeda Dalka Imaaraadka .

Xubanahan Ayaa ka kobnaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland iyo Taliyayaasha ciidamada Booliska , Malatariga, Ilaalida xeebaha iyo Asluubta.

Safarkan ay Ku Tageen Dalka Imaaraadka ayeey Kulamo La So Qaadan Doonaan dhigooda dowlada imaraatka Carabta oo ay ka wada xaajoon doonaan hawlaha iskaashi ee loo baahan yahay inay Somaliland iyo Imaraatku ka wada shaqeeyaan .