“Seddexda Ilma Adeerka Ah ( Ilma Biixi Iyo Samaale) Inay Isu Tanaasulaan Waxa Ka Dhaw Inay U Tanaasulaan Dr Axmed Kijaandhe,Balse Lagama Yaabo Inay Iyagu Isu Tanaasulaan”. Cali-Guray

0
596

Hargaysa(Halsan):- Gudoomiye Ku-Xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,Muj. Cali Yuusuf,ayaa saadaal togan ka bixiyay Loolanka adag ee ka dhex aloosan Xisbiga KULMIYE,Kaas oo hadda meel xasaasi ah maraya,isla markaasna ay isa-soo-tarayaan Murashaxiinta hanka Madaxweyne-nimo leh.

Waxa uu sheegay in aanay suuragal ahayn inay Siyaasiyiinta Beesha Habar awal isu tabnaasulaan,taas oo dhabbaha u xaadhi karto inuu Xil. Kijaandhe fursad uu ka halo Beelaha Garxagis,Dhulbahante,Warsangali iyo Ciise ee ku jira Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulashada ee Facebook-ga,ayaa u dhignaa sida tan: “Wax walba ka yaab. Dr kijaandhe musqaro maaha kuwa ugu rejeda fiican in uu ka mid yahay ayaan rumaysanahay. Intay sedexdani isku mashquulasan yihiin way dhici kartaa marka khaati laga joogsado inu noqdo ka keliya ee la isugu tagi karo mar hadii aanu odaygu kala furan karayn oo aanu lahayn kuligiinaba jooga aniga ayaa taagan eh. Gaar ahaan sedexda ilma adeerka ah inay isu tanaasulaan waxa ka dhaw inay u tanaasulaan Dr Axmed Kijaandhe balse lagama yaabo inay iyagu isu tanaasulaan. Reeraha waawayn ee kale laftooda waxa jira sababo kala duwan oy kijaandhe ku taageeri karaan siba Garxajis, Dhulbahante, Warsangeli, iyo Ciise. Markaa Habar Awal, Habarjelo, iyo Gadabuursi ma ka heli karaa taageero xubnaha kaga jira Golaha Dhexe ee Kulmiye? Shakhsi ahaan waxan is leeyahay ku qadi maayo mar hadii aanu jirin musharax kale oy ku midaysan yihiin. Markaa saaxiibkay Kijaandhe dab yar ma shidayo”.