Saylici ha is casilo hadaan saxeexiisu shaqeynayn

0
843

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici waa sawir ee maaha nin ragga nimo le oo diidi kara xumaan iyo wanaag waxay madaxtooyadu ku amarto. Saxeexa Saylici kama duwana hal bacaad lagu lisay waana madaxweyne ku xigeenkii Silaanyo lala doortay. Beryihii hore Xirsi buu meel uu ka maro waayi jiray oo madaxtooyada ka sheegan jiray iminkana Silaanyo ayaa yidhi anigu waan is waalayaa ee Saylici ha la gala heshiis sadexda xisbi oo ha saxeexo. Hadana wixii madaxweyne ku xigeenku sasxeexay lama qadarin lamana sharfin. Saylici maxaa bahdalay ee awoodiisa ka qariyay. Saylici shir jaraaid ha qabto oo ha sheego in aan wax ba laga qaban heshiiskii xisbiyada lala galay oo dowladu ka caga jiideyso isagana faraha loo geliyey in uu saxeexo waxaan daacad laga ahayn. Saylici muxuu naftiisa u dulmayaa muu ama wax iska celiyo ama afka furto ileyn cidi ma eryi karto oo waa nin la doortay e.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here