Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM oo isku dilay Magaalada Muqdisho.

0
670

Muqdisho(Halsan):-Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu magacaabi jiray Aaron Kitakure, ahaan nin u dhashay dalka Uganda ayaa is dilay, kadib markii uu dilay saaxiibtiis oo xiriir jaceyl uu kala dhaxeeyay.

Arrinta ku saabsan dilka Sarkaalkaan ayaa waxaa faafisay Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda, waxaana Wargeyska uu sheegay in Sarkaalkaasi uu dilay saaxiibtiisa, isagana uu is dilay.

Faah faahinta ku saabsan sababta Sarkaalkaasi uu u dilay Saaxiibtiisa ilaa iyo hadda lama hayo, balse Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa xaqiijiyay dhacdadaan waxayna sheegeen inay wadaan baaris ku aadan qaabka dilka uu u dhacay.
Saldhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayuu dilkaan ka dhacay, inkastoo aanan la sheegin Saldhigaasi halka uu ku yaalo, iyadoo dilka uu dhacay Axadii la soo dhaafay ee Todobaadkaan.

Afhayeenka guud ee ciidanka Milateriga dalka Uganda ayaa xaqiijiyay inay jirto dhacdadaasi, balse wuxuu sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan qaabka aintan u dhacday.