Sanduuqa Madow ee Keydiya Xogaha Diyaaradaha oo laga helay Xeebta Deegaanka Garacad

0
751

Wax u muuqaal eg loona maleenayo in uu yahay Sanduuqa Madow ee keydiya Xogaha Diyaaradaha ayaa lagu soo waramayaa in laga helay Xeebta Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay xeebta kusoo caarisay Sanduuqa Madow ee Diyaaradaha oo dhirirkiisu yahay 60cm , waxa ayna dadka deegaanka ku warameen in Sanduuqa la helay ay ku qorneed Fly Record.

Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in lagu wareejiyay Sanduuqan madow ee laga helay xeebta Deegaanka Garacad, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan sanduuqan la helay.

Sanduuqa Madow ee keydiya Xogaha Diyaaradaha ayaa inta badan la adeegsadaa marka ay diyaaraduhu bur buraan ama shil galaan, waxaana Sanduuqa uu keydiyaa codadka iyo dhacdooyinka ka dhax dhaca Diyaaradaha.

Wali lama oga sanduuqan la helay Diyaarada iska leh , waxaana jiray Diyaarado Sanadkii hore shilal galay kuwaa oo la waayay Sanduuqii Madoobaa ee ku xirnaa kadib markii ayshilka galeen.