SALAADIIN MIISAAN CULUS OO KA SOO JEEDA WOQOOYIGA IYO GALBEEDKA MAGAALADA HARGEYSA OO SAFAR KU TAGAY BERBERA IYO DILKII KA DHACAY BERBERA OO WAJI KALE YEESHAY.

0
594

Berbera(Halsan): – Salaadiin miisaan culus ku leh Guud ahaan Somaliland iyo Gobolka Maroodi jeex gaar ahaan Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysa ayaa galabta safar Waji kale leh ku tagay Gobolka Saaxil,waxaana la sheegayaa inay kulamo Xasaasi ah oo Garnaqsi ah la yeelanayaan Maalinta Bari ah Dhaqanka Beesha Bariga Burco ee uu ka soo jeeday Taliyihii Berbera lagu dilay.

Warar Caawa fiidkii soo gaadhay Shabakada Baarcadeeye ayaa tibaaxay in salaadiintaasi Berbera tagtay uu ka mid yahay oo uu hogaaminayo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdi oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley,Iyo saddex Suldaan oo kale oo iyaguna ka soo jeeda Gobolka Gabiley,waxa sidoo kala safarkan salaadiinta ah ku jira Salaadiin iyo Ugaasyo magac weyn ku leh Deegaanka Woqooyiga iyo galbeedka Magaalada Hargeysa kuwaasi la sheegay inay halkaasi u tageen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dadaalada ka socda Gobolka Saaxil ee xalka loogu raadinayo Xiisada ka aloosantay Dilkii loo gaystay Taliyihii Qaybta booliiska Berbera.

warar kale oo Safarka salaadiinta aanu ka helnay ayaa daaha ka rogay in Salaadiintani ay halkaasi u tageen arin aad loo hadal hayo oo ku saabsan sidii kiiskan loogu dabaqi lahaa Dil Foolxun oo hore loogu gaystay taliye sare oo ciidanka qaranka ka tirsanaa oo deegaan ahaan ka soo jeeday Gobolka Gabiley oo uu si badheedh ah u dilay islamarkaana dilkaasi uu fuliyay Gacan ku dhiigle ka soo jeeda Beesha Bariga Burco oo markii dambe ay fakiyeen Dad ay ehel yihiin oo gacan ku siiyay inuu firxad ku galo Maamulka Goboleedka Puntland,kaasi oo aan illaa hadda soo galin gacanta Dawlada islamarkaana loo haysto in la iska ilaaway.

Salaadiinta ayaa la sheegay inay la qorshe tageen Berbera sidii ay ugu qancin lahaayeen Beesha Bariga Burco in la soo qabto Gacan ku dhiiglihii dilay Taliyihii ciidanka Qaranka ee ka soo jeeday Gobolka Gabiley si sharciga loo mariyo,Inta aan la soo qaban kuwan Hadda dilay taliyahan Berbera Buuqa ka abuuray,waana ta keentay inay Halkaasi tagaan Afar suldaan oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley oo hadda ku sugan Magaalada Berbera. waa markii u horaysay ee Somaliland ee ay si fool ka fool ah isku soo hor fadhiistaan salaadiinta Habar Awal iyo Habarjeclo oo ay ka wada hadlaan dhacdo saraakiil dil loo gaystay oo ka soo kala jeeda labada beelood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here