Hargeysa(Halsan): -Bulshowaynta kala duwan ee ku dhaqan magaalada hargeysa ee caasimada dalka Somaliland ayaa saaka u dareeray sidii ay usoo tukan lahaayeen salaada roob doonta isla markaan alle uga baryi lahaayeen in alle ka dul qaado abaaraha una shubo raxmaadka eebe.
Waxaana magaalada hargeysa salaada roob doonta ah lagu tukanayaa goobo badan oo lagu tukado salaadaha ciidaha, waxaana bulshada caasimada hargeysa kala qayb galay tukashada salaada masuuliyiinta kala duwan oo ka socda dawlada, xildhibaano,iyo waliba culimo awdiin magalada hargeysa.
Dhanka kale wararka hada naga soo gaadhay magaalooyinka Burco, Berbera, Borama, Laascaanood iyo waliba magaalada ceerigaabana waxay sheegayaan in hada ay bulshada kala duwan ee ku dhaqan magaalooyinkaas iyo degmooyinka ay maamulaana saaka u dareereen tukashada salaada roob doonta ah si ay alle u waydiistaan