Addis ababa (Halsan):- Safaradda Somaliland Ee Dalka Ethiopia Addis Ababa ayaa Musuq-Maasuqday 50 Arday Deeq Waxbarasho ah Oo ay Dowladda Ethiopia Ugu Deeqday Somaliland,
Deeqdani Waxbarasho Ee ay Dalka Ethiopia Ugu Deeqday Ardayda Reer Somaliland ayaa Waxa Deeqdaasi Loo Qaybiyay Oo Kaliya Arday ka soo Jeeda Beesha Madaxwayne Siilanyo,
Musuq-Masuqa iyo Qaraabo Kiilka ay Safaradda Somaliland Addis ababa u Samaysay Ardayda Beesha Madaxwayne Siilanyo ayaa waxa gacan wayn ka gaystay siday ilo wareedyo lagu kalson yahay ay Saxafada u Xaqijiyeen Safiirka Somaliland Dalka Ethiopia Maxamuud Aadan Jaamac,Safiir ku Xigeenka Safaradaasi Mr Ayaanle Salaad Diiriye,a iyo Waliba Wasiiru Dowlaha Wasaradda Waxbarashada Somaliland Mr Axmed Nuur Faahiye Oo ay Sadexdaasi Masuulba ay ka soo wada Jedaan Beesha Madaxwaynaha,
Talabadani ay Qadeen Masuuliyiintani ayaa ah Mid Dhab Jab wayn ku u ah Hanaanka Dimuqradiyadda iyo Caddalada,
Ardayda Reer Somaliland Ee Wax ka Barta Dalka Ethiopia Oo Qaar ka Mid ahi ay Xidhiidh la soo Sameyeen Hadhwanaagnews Waxay Golaha Barlamanka Somaliland Ugu Baqeen in Golaha Wakiilada la Hor Keeno Sida ay Hadalka u Dhigeen Wasiiru Dowlaha Wasaradda Waxbarashada Mr Axmed Nuur Faahiye Oo ay Shegeen inuu Yahay Masuulka Kowaad Ee Arrintaasi Sameyay isla markaasna waxay sidoo kale Shegeen inuu Wasiiru Dowluhu Jamacadaha Dalka Ethiopia usoo Gudbiyay 50 Arday Oo ka soo Wada Jeeda Beeshiisa si wax Looga Waydiiyo Qaraabo Kiilka Uu Sameyay,
Ugu Danbayntii Waxa Laga Sugayaa Go-aanka ay Talabadani ka Qadaan Qasriga Madaxtoyada,Wasaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaradda Waxbarashada Somaliland isla markaasna ay ka hadlaan Sababta Keentay 50 Arday Oo isku Reer ahi la siiyo Deeq dan.
Source: Gabileynewsoneline