Sacuudiga oo Somaliland ka sameynaya hal arin oo aad u muhiim ah

0
969

Waxaa la shaaciyey in xoolo gaaraya ilaa iyo 800,000 oo neef ay dekadda Berbera ka dhoofi doonaan dhawaan kuwaa oo loogu talagay Xajka sanadkan.

Arintan dhoofinta Xoolaha oo kusoo beegmaya iyaga oo Sucuudigu xayiraad saaray xoolaha guud ahaan Somalida ayaa lagu sheegay kuwo uu dalbaday Baanka Islaamku,waxaana ay kamid noqon doonaan xoolaha sanadkan Xajka lagu qalayo.

Waxaa la xaqiijiyey in Xoolahan Siddeeda Boqol ee Kun ah ee ka dhoofaya dekeda Berbera ay kala qaybsan doona laba Maxjar oo ku yaala magaalada Berbera,waxaanay kamid yihiin xoolo nool oo uu Baanka Islaamku qandaraas ku siiyey ganacsade Sucuudiyaan ah.

Dhanka kale xoolo kale oo aan tiradooda la sheegin ayaa Baanka Islaamku ka qaadanayaa magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland,sida ay sheegayaan warar uu Allbanaadir.com helay.

Si kastaba warkan dhoofinta xoolaha SOomaaliyeed ayaa ku soo aadaya xili aan weli si rasmi ah loo qaadin xayiraad uu Sacuudiga horey u saarey xoolihii Soomaaliya guud ahaan looga soo dhiifin jirey.