“Sacad Muuse Maaha Reer Uu Buur Madow Cid Aan Aqoonin Uu Barayo. Laakiin Waxan Ku Raacsanahay Siyaasadda Reerku Inay Tahay Ambad Oo Lagu Asqoobay”. Cali-guray

0
775

Hargaysa:(Halsan):- Siyaasiga Cali Yuusuf (Cali-guray),ayaa ka dareen-celiyay Hadal Maalintii shalay kasoo yeedhay Boqor Cismaan Aw Muxumed Buur-madaw ,kaas oo uu ka hadlayay Sooyaalka Beesha Subeer Awal,isla-markaasna uu kaga hadalay Hanjabaad ay u direen Xukuumadda uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.
Qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bartiisa Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga,ayaa u dhignaa sida tan: “Hadii Seben Jaahiligii loo noqdo SACAD MUUSE GEEL UMA FADHIYO FILANA MAAYAAN waxa ka dambeeyay AF LA NACAYBA NUUR XAASHI BAA OODAHAW ROGAYE
HA AARSADO NIN RAGA WAAN JECLAHAY INU ADKAADAAYE iyo Salaan Carabay. Garoo laduba waxay ka hadlayeen Geelii Indho Badane. Sida uu Buur madow u dhigayo gabayga Ina Nuur Fadal digasho iyo calaacal midna ma ahayn ee wuxu ahaa nin tolkii tirtir siyayay hadii maanta Buur madow cay ka dhigay isaga leh waaye balse Sacad Muuse maaha reer uu Buur madow cid aan aqoonin uu barayo saa maba yaqaano eh. laakiin waxan ku raacsanahay siyaasadda reerku inay tahay ambad oo lagu asqoobay waayo kuwa ay daba socdeen welina daba socdaan waa kulmiye dhibaataduna malaha waa taasi ee hadii ay garan waayeen CALIGUREY IYO JAMAAL RAACA MA WAXAY GARAN WAAYEEN XAMARJI IYO BOOBE RAACA OO HABAR MAGAADLEEYA cid ka daba hadashaba ha waydo eh”.