Sababaha Keenay Iscasilaadda Madaxii Xafiiska Maamulka iyo Saxaafadda Kulmiye+ Kala Fogaanshaha Laba Warsaxaafadeed Oo Uu Soo Saaray

0
754

Hargeysa(Halsan) :- Agaasimihii Maamulka iyo Warbaahinta  xisbiga talada haya ee KULMIYE Mr. Mustafe Iid Maxamed, oo habeen hore shaaciyay inuu xilkaasi iska casilay, ayaa sababta uu isu casilay tahay, kadib markii uu leexsaday lacag Xisbigu lahaa oo Guddoomiyuhu ugu dhiibay si Akown Xisbigu leeyahay loogu shubo.

 

Mustafe Iid Maxamed lacagta uu lunsaday oo ku dhawaad dhan $ 7,000 dollar, ayaa laga war helay, kadib markii lala xidhiidhay Dahabshiil, taasina ay keentay inuu muddo badan aanu xafiiska ka hawlgelin, waqtigana is casilaadiisa soo dedejisay,sida ay iftiimiyeen xogo Shabakadda Tooshnews heshay.

Xoguhu waxay intaa ku darayaan in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi markii uu ka war helay in lacagtaas uu leexsaday aanay u raacin, balse ka codsaday inuu xilka iska casilo si aan carqaladi ku jirin.

 

Madaxii Maamulka iyo Saxaafadda Kulmiye  ayaa 09-July-2015 soo saaray  warsaxaafadeed iscasilaadiisa ah oo ku taariikhaysan 25/June/2015, waxaanu eedeeyay Muuse Biixi isagoo sababta iscasilaadiisa u dhigay sidan  “Aniga oo ah Agaasimihii Xafiiska Maamulka iyo xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga kulmiye ka dib Markii aan soo taabtay ina aanay jirin rajadii isbadal ee xisbiga kulmiye dhexdiisa laga sugayay

Markii aan ku qancay siday waajib waddaniya  u tahay ka qayb qaadashadda dadaalada isbadal doon ee dalka ka socda, waxan go’aansaday inaan iska casilo xilkii iyo xubinnimadii xisbiga kulmiye.

Waxaan ka raali- galinayaa Wasiirkii hore ee maaliyadda Md,  C/Casiis Maxamed Samaale  taageeradii aan ka taageeray nin aan hankiisu Daaro dhisasho dhaafsiisnayn” ayuu qoraalkiisa ku Yidhi Mustafe Iid intaas raaciyay ogaysiis uu taageerayaashiisa kula ballamayo inuu la socodsiin doono meesha uu uga diga rogto Kulmiye.

 

Hase ahaatee isla 10-July-2015, ayuu warsaxaafadeed kale soo saaray kaasi oo uu eedaha Muuse Biixi kaga noqday islamarkaana ku sheegay inuu xisbiga ka sii mid ahaanayo “Xaasha gudoomiyahaygu  igama gayo cay iyo af lagaado toona mida kale shaqaalaan xisbiga ka ahaa  ma ahayn nin siyaasiya oo miiska gorgortanka xubin ka ah  aniga way ii sinaayeen dhamaan kaadiriinta iyo xubnaha xisbiga kulmiye waayo iyagaan xilkan ku hayey .

 

Waa run oo waan ka tagay shaqadii aan xisbiga u ahayey hawlo shakhsiya oo aniga I khuseeyaan uga tagay, laakiin sife wanaagsan baan kaga tagay xubinimadaydii iyo xisbi nimadaydiiba waa halkeedii.” Ayuu yidhi isagoo ku dooday in E-mail-kiisa la jabsaday balse wuxuu ahaa mid saxaafaddu xaqiijisay inuu isaga ka soo baxay.

 

Xogaha ku saabsan iscasilaada masuulkan Kulmiye ka tirsanaa ayaa sheegaya in warsaxaafadeedka dambe lagu khasbay maadaama eedo culus uu iscasilaaddiisa ugu jeediyay Muuse Biixi, haddii kalena saxaafadda loo bandhigi doono musuqmaasuqa uu sameeyay.