RUUSHKA OO GANTAAL BADHEEDH AH KU DILAY SARKAAL KA TIRSAN CIIDAMADIISA SI AANAY DAACISH U QABAN

0
625

Moscow (Halsan):- Warar laga helay milateriga dalka Ruushka ayaa xaqiijiyey in ciidamada cirka ee Rushku ay khamiistii ina dhaaftay gantaal si badheedh ah ula eegteen sarkaal ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Ruushka, meel u dhow magaalada Taddamur ee dalka Suuriya oo ay maalmihii u dambeeyey dagaalo adagi ku dhex marayeen xoogagga DAACISH ee haysta magaalada iyo ciidamada Bashaar Al-Asad oo doonaya in ay dib u qabsadaan.

Afhayeen u hadlay ciidamada Ruushka ee ku sugan saldhig ku yaalla woqooyiga-galbeed ee Suuriya oo u warramay wakaaladda wararka Interfax ee dalka Ruushka ayaa isagu xaqiijiyey dhimashada sarkaalkan balse aan carrabka ku dhufan sababta dilistiisa badheedhka ah keentay. “Waxaa la dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Kamaandoosta ee ka hawlgalayey degaanka Tadammur, xilli uu ku jiray hawl ahayd in uu diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ku soo hago bartilmaameedka argagaxisada” ayaa uu sarkaalkan u hadlay Ruushku yidhi. Isaga oo intaas ku sii daray, in sarkaalkani uu maalimihii u dambeeyey ku sugnaa aaggan oo uu ka soo gudbiyey xog uu ku xaddidayo bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee DAACISH, iyo in uu diyaaradaha Ruushka u diray maclumaad iyo ishaarooyin u suurtogeliyey in ay si sugan u beegsadaan bartilmaameedyada.

Sarkaalkan oo sida ay ciidamada Ruushku sheegeen si qarsoodi ah loogu dejiyey meel ku dhow aagagga ay haystaan DAACISH si uu diyaaradaha Ruushka ee hawada ku jira ugu diro ishaarooyin u suurtogeliya in ay si aan surmo-seegto lahayn u beegsadaan bartilmaameedyada DAACISH ayaa ugu dambayntii ku dhintay gantaal ay soo ridday diyaarad ka mid ah