Ruushka Oo Duqeyn Ku Weeraray Magaalooyin Ku Yaalla Ukraine Iyo Dad Badan Oo Ku Dhintay Duqaymahaasi
Ugu yaraan 27 ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqeyn loo geystay dakadda magaalada Odesa.
Dhismooyinka duqeyntaasi ku waxyeelloobay ayaa waxaa ka mid ah qunsuliyadda Shiinaha ee Odesa.
Meelaha ay ciidanka Ruushka duqeeyeen ayaa u badan magaalooyinka leh dakadaha ku teedka Badda Madow, waxana ay tani ku soo beegmeysaa maalmo yar kaddib marki ay Moscow ka baxday heshiiski u oggolaanay Ukraine inay qamiga iyo maaddooyinka cuntada lagu bacrimiyo u dirto dunida, iyada oo sii marsiineysa Badda Madow.
Tallaabadaasi ayaa waxaa cambaareeyay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.