Roobkii Gu’ga Oo Ka Da’ay Deegaano Somaliland Ka Mid Ah Iyo Magacyada Goobaha Uu ka Da’ay

0
627

Hargeysa(Halsan): -Wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Laascaanood,Ceerigaaboo iyo Borama ayaa waxay sheegayaan in roobkii gu;gu uu maanta ka da’ay magaalooyinka Ceerigaabo,Laascaanood iyo Borama oo ah caasimadaha gobolada Sool,Sanaag iyo Awdal.

Waxaan roobkan naloo sheegay inuu ahaa mid ay ku qabawsadeen bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinkaas kaas oo ay isku dhigayeen shacabkna dhibicda Roobka oo ka raagtay.

Sidoo kalena wararka nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in raxmaadka eebe uu ka hoorey deegaanada Buuralayda ah ee gobolka Sanaag halkaas oo uu ka da’ay roob lagu wada qabowsaday oo biyo dhigey deegaanadaasi.

Gabagabadiina deegaanada gobolada bariga Somaliland ayaa waxa ka jirta abaar baahsan oo galaafatay nafaha dad iyo xooloba iyada oo wakhti xaadirkan ay halis ku jirto nolosha dadku,waxaana dadkaasi ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah,waxaana abaarta ku dabada dheeraatay usii dheer xanuunada Shuban Biyoodka iyo Jadeecada oo fara baas ku haya deegaanada gobolada bariga Somaliland kaas oo sababaya dhimashada dad badan.