REER SOMALILANDOW WAAKA MADAXWAYNIHII AYDUN DOORATEEN. BY FAISAL FARAFIDYE

0
716

Waxaynu waayahanba maqlaynay hanjabaad iyo cagajuglayn ay madaxda qaranku sida Wasiiro, Wasiiro kuxigeeno, gudoomiyayaal Gobolo, iyo Taliyeyaasha cidaanku ugu hanjabayaan madaxda mucaaridka iyo taareeroyaashoda, waxaanay isticmaalayeen eryo ka foog masuuliyada ama ku  xun anshaxa dawladnimo oo laga dhaxlay taliskii diktaatorka ee dalkeen baabiyay ee somalida kalena ilaa maanta la baaxadegayso waxyeeladiisii.

 

Ereyada aan la yaabay ee ay madaxda qaranku adeegsanaysay waxaa ka mid ah GACAN BIRAH BAANU KU QABANAYNAA, GURYOHOODDA BAANU UGU DAADAN DOONAA, waxay ku sigteen inay ina yidhaahdan XUNYOHOW XUNKU DHALAY, waxaa taa ka sii daran dal aan dhibaato ka jirin intay tuute soo xidhaan ciidamona magaalooyinka ku soo daadiyaan  warbaahinta la soo hor fadhiistan dalku xaalad deg deg ah baanu gelinay waa mid ayaan darro inagu habsatay.

 

Waxaan dib u xusuustay maalmihii xanuunka badanaa ee Burco uu kasocday xasuuqi oo aanu aniga iyo Xasan Axmed Saxar ( Xasan Xabashi) ilaahay naxaristii janno ha ka waraabiyo oo meel ka shaahaynayna waxaa wadadda soo maray gaadhi migrafoon saaranyahay oo leeh reer Burco NABAD BAA DAWLDU IDINKU BAAQAYSAA.

 

gaadhigaan waxaa ka horeeya Beebaga dagaal mid kalena wuu ka danbeeyaa, nin maskaxda ka xanuunsanaya baa nagu yidhi [ waar ma dad waalan bay ina moodayaan nabadna way ku baaqayaan beebeegii dalkuna wuu gelbinay] taa waxaa la mid ah dawldeena maaant ee ciidanka iyo hubka soo bandhigtay hanjebaysan lehna nabada ha la ilaaliyo.

 

Waxaa cajiib ah marka madaxda mucaaridku hadasho waxay madaxda xukumadu kala boobtaa tuutah iyo mikrafoonada warbaahinta laakin marka Xasan shiikha Xamar hadlo ee yidhaahdo Somaliland ma jirto Madaxdeenu waxay yidhaahdan beelayo maan buulkayga kaa galo ee tuuten uma xidhaan umana jawaaban haddaba

halkaa maxaa kaga baxay.

 

Iyada oo arimahaasi oo dhami jiraan iyo muranka doorashaooyinku waxaynu sugaynay inta uu Madaxwaynaheenu ( Silaanyo ) soo noqonayo ilayn waynu ogayn oo madaxwaynihii dalku wuu inaga maqnaa afartii bilood ee ina dhaafay.

Waxaa ayaandaro ah in maanta markii aynu aragnay qudbadii madaxwaynaha ee aynu mudada dheer sugaynay inay noqotay KAAF IYO KALA DHEERI.

 

NUXURKII QUDBADA MADAXWAYNAHA;

 

Runahaanti waxay ahayd qudbad tayadeedu aad iyo aad u liidatay oo aan ku haboonayn madaxwayne qaran waxaanna ka muqday hadalo tayadood aad iyo aad u hoosayso oo aad mooddo cidda soo diyaarisay inay tahay cid kalsooni daro badan ka muuqtay oo xaalkeedu yahay wax iska celiuun oo ficlitan badani ku jiro.

taas na waxaa ku cadaynaya hanjabaad badan ee ku jirta oo qofka hanjabaada ku degdegaa waa qof kalsoonidu ku yartahay oo doonaya inuu kalsooni daradaas ku qariyo awood sheegasho arintaasna looga fiican hogaamiye qaran.

qudbada runahaantii waxa cusibi kumay jirin ee waxa uu madaxwaynhau ku celceliyay hadaladii ay maalmahanba ku tiraabayeen golahiisa xukumadu.

 

Waxa aad iyo aad u cajiib ah wadada Hargaysa iyo Berbera isku xidha oo dayac tirkeedu la kowsaday xukumada silaanyo oo ila maanta oo 5 tii sanadood ee muddo xileedkeedu dhamaaday socota oo 15 goor oo hore xadhiga laga jaray waxaan is waydiiyaa waar tolow Hargaysa iyo Berbera miyaanay ahayn tii in ka yar laba sacadood loo kala socon jiray mise waa Hargaysa iyo Berbera kale oo aan ahayn tii aad taqaanay.

 

Nin baa horay u yidhi HORTA ABTIYAAL MARKA LA IS DEDALYO MAXAYDUN  DABADA LA GIIJISAAN waxaan uga jeeda HORTA QOLADIINAN XUKUMADU IYO KULMIYE MARKA MUCAARADADA LA ISKU SOO YARA KULAYLIYO MAXAYDUN ODAYGA ILAA CEERGABO U ERIDAAN  OO AYDUN U DHIBTAAN OO TARAAGA DHEER U GELISAAN WAAR ODAYGA KA DAAY DHIBTAA AANU ISKA XEJIN KARAYNIN ILAYN ODAYGU WUU INAGA DHEXEEYAA

 

LA SOCO QAYBTA DANBE EE AH DHACDOOYINKII UGU CAJIIBSANAA EE INTII UU SILAANYO XILKA HAYAY

LA SOCO QAYBTA DANBE LAGU MIISAAMAY XUKUMADA SILAANYO INTII UU XILKA HAYAY

 

ALLA MAHAD LEH

 

 

WADDANIGA DHABTA AH

FAISAL FARAFIDIYE