Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Shaaciyay In Uu Wada Hadal La Galiyo Jabhada Oromada Ee OLA

0
175

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Shaaciyay In Uu Wada Hadal La Galiyo Jabhada Oromada Ee OLA

Raysal wasaaraha Itoobiye Abiye Axmed ayaa sheegay in uu wada hadal nabadeed uu dalka Tanzania toddobaadkan uga furmi doono xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay iyo jabhadda xoraynta Oromada ee OLA.

Abiye oo ka hadlaayey madashii xoojinta nabadda ee habeenkii xalay ka qabsoontay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in Dowladdiisu ay isu diyaarinayso qabsoomidda kulankan oo noqonaya kii ugu horreeyey dhexmara Xukuumaddiisa iyo Jabhadda.

OLA oo sheegata in ay u taagan xoraynta qoomiyadda dalkaas ugu balaadhan ee Oromada ayaa ka mid ahayd jabhadihii ugu xoogganaa ee ku kacay xukuumadda Abiye Axmed.

Waxayna noqonaysa tii labaad ee qaadanaysa heshiis iyo is afagarad nabadeed ka dib TPLF oo haatan arrinkeedu saldhigtay kadib Dagaal daba dheeraday oo dhexmaray Kooxda iyo Dowladda Federaalka.