Rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka dowlada Britain |
Warar ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xiray iyadoo boolisku isku geedaamay. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawacmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta. Nin mindi wata ayaa lagu dhex arkay dhismaha.Mas’uul booliiska ka tirsan ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in ruux la toogtay. Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster. |