Ra’isalwasare ABIY Oo La Kulmay 1200 Oo Qof Oo Ka Soo Jeeda Deegaanka Soomaalida

0
725

Ra’isalwasare ABIY Oo La Kulmay 1200 Oo Qof Oo Ka Soo Jeeda Deegaanka Soomaalida

 

Waxa Goor dhaweyd la soo gunaanaday Kulan balaadhan oo uu Ra’isal Wasaaraha Waddanka Ethiopia Abiy Ahmed Cali uu la yeeshay in ka badan 1200 oo qof oo ka soo jeeda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Kulankan oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda ee Waddanka Ethiopia ayaa waxa uu ahaa mid ay qabanqaabadiisu socotay, ka dib markii xukunka laga Tuuray Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida, waxaana intii uu socday lagaga wada hadlay qodobo door ah.

Waxgaradka Soomaalida iyo waayeelka kulankaasi ka soo qayb galay ayaa marka hore


u mahad celiyay Ra’isal Wasaaraha Ethiopia, waxaanay u balanqaadeen in ay ku barbar joogsan doonaan Xukuumadiisa sidii ay wax badan uga qaban lahayd dhinacyadda Nabad Galyadda, Horumarka iyo isjacaylka qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi ku wada nool.

Waxa ay sidoo kale xuseen in Deegaanka Soomaalida Ethiopia ay ka jirto baahi badani, hasayeeshee wixii iminka ka danbeeya gacmaha la isu qabsan doono sidii ay wax looga qaban lahaa.

Waxa y balanqaadeen Waayeelkii iyo waxgaradkii halkaasi ka hadlay in ay si dhab ah uga shaqayn doonaan dib u dejinta loo samayn doono dadkii ku baro kacay Rabshadihii dhawaan ka dhacay Jigjiga iyo waliba dadkii ay wax u geysatay xukuumadii hore ee Cabdi Ilay.

Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa isna u mahad celiyay waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo dhalinyarada Deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaanu xusay in ay kaalmaha hore kaga jiraan dadka wax loo qaban doono.

Gunaanadkiina waxa shirkaasi laga soo saaray qodobo loo arkayay in ay yihiin kuwo wax lagaga qaban karo tabashooyinka Dadka Deegaankaasi, iyada oo uu goob joogna halkaasi ka ahaa Madaxweynaha Cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Maxamed Cumar oo balanqaaday in ay xukuumaddiisu guntiga dhiisha iskaga dhigi doonto sidii ay dariiqa saxda ah ugu soo celin lahayd Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

ShareThis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here