Ra’iisal wasaaraha dalka Pakistan, Nawaz Shariif ayaa xilka iska casilay ka dib markii maxkmadda ugu sarreysa dalkaasi ay go’aamisay inuusan u qalmin xilka inuu sii hayo. Arintan ayaa timid ka dib Baaritaan lagu sameeyey hantida qoyska Nawaz Shariif, kadib markii sanadkii 2015-kii ay soo baxday fafdeexad loo bixiyey cadaymihii Panama, taasoo lagu sheegay in qoyska ra’iisal wasaaruhu ay ku lug leeyihiin shirkado ku yaalla dalka dibadiisa. Nawaz Sharif ayaa dhowr jeer ra’iisal wasaare kasoo noqday Pakistan, laga soo bilaabo 1990-kii. Waxaana sanadkii 1999 xilka looga tuuray afgembi aan dhiig ku daadan. Garsoorayaasha maxkamada oo ka kooban 5 qof ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay go’aanka. Waxaana aad loo adkeeyey ammaanka guud ee caasimada Islamabad. Ejaz Afzal Khan oo kamid ah garsoorayaasha kiiskan qaaday, ayaa sheegay in Nawaz Sharif aanu sii ahaan karin xubin sharafeed ka mid ah baarlamaanka. Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Chaudhry Nisar Ali Khan, ayaa u jeediyay ra’iisal wasaaraha in uu aqbalo xukunka maxkamada. Maxkamada ayaa baaritaan ku haysay tiro dad ah oo uu kamid ah yahay Nawaz Sharif, gabadhiisa Maryam iyo saygeeda, wasiirka ganacsiga iyo xubno kale oo dawlada ka tirsan. |