Rabshado iyo Muddaharaad ka socda Hargeysa iyo Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay

0
717

HARGAYSA(Halsan) Mudaharaado Rabshada wata ayaa ilaa saaka ka socda goobta shalay galabtii ciidama RRUda ku layeen qoys degenaa dhul ay leeyihiin oo xukumada cid gaara soosisay taasi oo sobabtay dhimaso iyo dhaawacba.
waxaa maanta duhurkii dad dhacaysani taayiro ku gubeen wadada isku xidha amaba jidka hormara kaalinta indhabir oo ku dhow goobta muranku ka dhasheen
Dadkan gadoodsan ayaa taayiro gubayay waxa kale oo ay marmarka qar dhagaxaan ku tuurayeen ciidamda booliska oo meesha gaaf waregayay.
ciidama booliska ayaa iyagu ridaya rasaas goos goosa taasi oo ay ku kala kaxaynayaan dadwayne gadoodsan oo marba marka ka danbaysa ku soo kordhaya guriga shalay ciidamadu werareen,
Waxa kale buuq badani kataagan yahay cisbitaalka wayn ee hargaysa oo lagulo tacaalayo dhaawaca qoys ciidamadu laayeen.
dhanka kale wararka aanu ka helay ehelada qoyskan ciidamu layeen ayaa sheegay in ay socota is abaabulka mujaahidiin ka tursaan ciidamadii SNM oo ay sxb dhow yihiin muj AXMED JABAAN AWOOWO kuwaasi oo lafilayo in ay ka jawaabaan weerarkan, loo gaystay qoyska reer AWOOW,
dhacdadan ayaa noqotay mid ugub ku ah somaliland taasi oo ah mid bulshadu si xun uga cadhoodeen,
sikastaba ha ahaatee waxaa wali warcad kasoo bixin xukuumada somaliland oo an si cad u qiran dilalkan ciidamadu u gaysteen sedex qof oo walaalo ah iyo laba qof oo kale kuwaasi oo hal qofna ku geeriyooday halka sedexda kalena qabaan dhaawacyo kala duwan