Qoyskii Qarniga: Qaybtii 2aad
Marlabaad iyo kulan wanaagsan akhristayaal waan idinka raaligalinayaa dib u dhaca qaybtan 2aad ee maqaalkii ciwaankiisu ahaa Qoyskii Qarniga oo aan uga socday taxliilinta Qoysaskii dalka soo xukumay iyo qoyskan hadda hogaanka dalka haya ee REER SIILAANYO. Dadbaa u fasishay markaan qoys leeyahay inaan HABRO u JEEDO . waxayna garan dadkaasi macnaha qoys xambaarsan yahay.
Akhristayaal, waxaa iska wakhti lumis ah inaan idiinka waramo wax aad ogtihiin oo ah taariikhdii Seddexdii Qoys ee dalka soo maamulay marka laga reebo kan hadda ku fadhiya kursiga; waad ogtihiin wanaagii iyo sharaftii ay lahaayeen Qoyskii Marxum Cabdiraxman Ahmed, Marxum Cigaal iyo Mudane Rayaale taas oo ay ku kasbadeen Odayga Qoyska ee dalka loo doortay mooyaane in aan ISLAAN , WIIL iyo Gabdho midna la arag iyaga oo hogaaminta ka dhexmuuqda, habasheegin iyana Kuwii habluhu keenen iyo kuwii ay inamadu keenenba.
Haddaba, qoyskan SIILAANYO ee manta dalka haya ayaynu qayb kasoo qaadan doonaa, akhristayaal idinka oo qoyskanba ka war haya habdhaqanka ugubka ku ah dalkeena ee uu siyaasada qaranka kusoo kordhiyey kaas oo ah Caailadii qoyska oo aan u kala hadhin inuu midba dhinac qabsado awoodii iyo khayraadkii dalka ee ay ummada ka dhaxaysay; iyaga oo u kala qaybsan qaar si toosa hawlahaa ugu jira oo uu magacaabay odayga guud ee qoyska ahna Madaxweynihii dalka loo doortay ‘ hadda waa madaxweynihi umadu dooratay kaa xubnaha qoyskiisa magacaabayaa!!” iyo kuwa kale oo si dadban moofada ugu jira “ dhuumasho dhabarku muuqdo” Madaxweyne yaashii hore ee dalka soo maray Qoys ay dalka u gacan galiyaan iska daaye waxay ka mamnuuceen madaxtooyada inay fooda soo galiyaan qabiiladii ay kasoo jeedeen. Cigaal (AHN) ayaa laga hayey “ Ciisamuusow haddii aad igu soo ururtaan ma waxaad rabtaan inaad ummada fadeexo uga dhexbaxdaan oo boqol magac la idiin bixiyo oo aad meel aad gashaan weydaan hadhow sidii MAREEXAANKA”. Muddane Rayaale isagana iskadaa Qoyskii iyo qaraabadiisii uu kasoo jeeday e , qabiilkii guud ee uu ka dhashay ayaa Caqli yeeshay oo go’aansaday inaan lagu garab arag inay ku dhexmilmaan hawlaha qaranka ee ka socday Qasriga uu markaa ka talinayaayey. Waxaaase nasiib daro ah oo ah wax laga naxo in Qoyskan Siilaanyo uu godobeeyey Qabiil dhan oo sharaf iyo maamuus ku dhexleh shacabka ay la nool yihiin. Bal sheekadan yar illa wadaaga , nin baa la waydiiya waar ma cidaa ayaad tahay? Maya ma cidaa kale ayaad tahay ? Maya illaa toban qabiil ayaa laweydiiyey , wuuna sheegi la’aa cidiisa markii dambe ayaa layidhi ma MAREEXAAN ayaad tahay? HAA ayuu ku jawaabay , waxaa la su’aalay maxaad u qarinaasay qabiilkaaga markii hore ? wuxuu ku jawaabay Qoys ayaa BOQOL GODOBAAD noo yeelay waanan baqaayey…..!
Gabagabadii; miyaad ogtihiin wakhtiga Qoyska Silaanyo talada qaranka ku shuraakoobeen sidii Shirkad Ganacsi oo Qoys leeyahay? Waa su’aal jawaabteeda la idinka sugaayo, haseyeeshee , anigu waxaan u arkaa inay bilaabantay markii Ragii Mudakarka ahaa ee miisaanka cuslaa ee markii u horeysay Wasiirada kasoo noqday Xukuumadan Siilaanyo dibeda la dhigay; iyaga oo ujeedada kadambaysay ficilkaasina uu ahaa in ayna ahayn Rag Madaxweynaha la doortay mooyaane aan ka amar qaadan qoyska intiisa kale macnaha rag MAATI! u yeedhin karaan!!!! Badalkoodii maxaa la keensaday? Waa kuwa aynu manta u wada jeedno oo u badan ashkhaas waligood hawlo dawladeed aan hore usoo marin oo la dhacsan oo u qaadan la xilka wasiirnimo ee loo magacaabay qaarbaa illaa hadda rumaysan la’ oo ay riyo ku tahay ; qaar markoodii hore dadkooda isaga dhexjiray ayaa hadda ka dhexbaxay …….! Macnaha waxaa galay DREAM Jagada loo dhiibay oo ay u qaateen inay tahay….! dee kuwaas hogaansi intee leeg ayaa laga filan karaa? Waa in xataa biyaha lagaga talaabo…!!
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Askar
Hargaysa Somaliland