Qodobka 83 aad ee Saleebaan gaal faqradiisa 5 aad ee indho indho waxay sheegaysaa muddo kordhin.

0
668

Qodobka 83 aad ee Saleebaan gaal faqradiisa 5 aad ee indho indho waxay

sheegaysaa muddo kordhin.

dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha

.Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma

eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay

waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee kaalay bal dhegayso.

Dhaqane:Qodobka 83 aad ee Saleebaan gaal faqradiisa 5 aad ee indho indho waxay

sheegaysaa muddo kordhin.

Dhaashane:Waar distoorka ciyaarta nooga daa adeer .Waxan aad akhriyeysaa xagay

ku qoranyihiin?Inaader xalay waxan ku riyoonayey iyadoo 5 sannadood oo dambe la

noo kordhiyey.Adigu maxaad ku riyootay?

Dhaqane:Horta ma seexataa baa ka horaysee.Adiga waxan ku waydiiyey ,Kuwan yar

yar ee noo soo dirteen ee tidhaahdeen ordoo xisbiga waddani galoo derajo ka soo

qaata .Markaa bil ku jirtaana waxaad tidhaahdaan waanu is casilay .Ma inaanaan

idinla fahmayn baa u haystaan?

Dhaashane:Weger!kani warba ma hayo.Waar inta soo socotaa ka daran.Idinba sow

maydaan qabyaaladayn oo xildhibaan Dheeg iyo wasiir abdikriim ahmed moogeba

omaydaan yeedhin?

Dhaqane:Wuxuu yidhi:

Dadka waan ka quustee

Dunida show ragbaa hadhay

Maxaa diricyo soo kacay.

Waar aduunka rag baa ku nool adeer.

Dhaashane:Adiga laftaadu ka waran hadaynu iska heshiino oo weliba dee inagaa

saaxiibee hoos wax kuugu sheego?

Dhaqane:Abwaan weedhsame wuxuu yidhi:

Kaba qaadku heestiyo

Haaheeyda kama koro

Dadka oo haraad qaba

Sicir bararna heesaday

Guulwade habowshaa

Hoostiisa kama tumo

Heelada barwaaqada

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden

Sweden