Qaraxyo dhimasho sababay oo xalay ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

0
667

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay, labo kalena wey ku dhaawacmeen qaraxyo xalay ka dhacay xaafadda KPP oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo gaarayey illaa labo ayaa waxaa loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasoo lagu weeraray ciidamo ka tirsan booliska Somalia oo ku sugnaa agagaarka isgoyska KPP.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in labada ruux ee geeriyootay ay ahaayeen shacab goobta ka dhowaa, halka labada dhaawaca ahna la sheegay inuu ku jiray askari ka tirsanaa ciidamadii qaraxyadaas lala beegsanayey.

Ciidamada Booliska saldhiga Hodan oo halkaas ku dhow ayaa ku soo baxay qaraxyadan iyagoo halkaas ka sameeyey howlgalo ay ku xoojinayaan amaanka.

Weerarada noocan ah ee isugu jira qaraxyada iyo dilalka ayaa had iyo jeer ku soo laalaabta magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee ay dowladu ka taliso, kuwaasoo marna xoogeysta marna hoos u dhaca.