Dalka Turkiga waxaa kusoo badanaya qaraxyada iyo weerarada ay geesanayaan kooxo mucaarad ku ah Dowlada Dalkaasi gaar ahaan Kooxaha Kurdiyiinta ah. Xubno katirsan Mucaaradka Kurdishka ayaa lagu soo waramayaa in gaari waxbaaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku qarxiyeen meel ku dhaw saldhig booliis ay lahaayeen Ciidamada booliiska dalka Turkiga . Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxaa ku dhintay laba sarkaal oo katirsan ciidanka booliska Turkiga, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 35 qof oo kale oo u badan saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Turkiga.. Saraakiisha amaanka dalka Turkiga ayaa sheegay in weerarka gaariga looadeegsaday uu ka dhacay magaalada Nusaybin ee koonfurta bari ee dalka Turkiga,magaaladan ayaana ku dhow xuduudda ay wadaagaan Turkiga iyo Syria. Ciidamada ammaanka Turkiga ayaa waxa ay iminka magaalada Nusaybin kula dagalamayaan mintidiin lala xiriiray kooxda Kurdish-ka ee PKK, kooxda PKK iyo kooxo kale ayaana dalka TUrkiga ka geesanaya qaraxyo iyo weeraro kale. |