Waxaa maanta Duhurnimadii Qarax Miino oo nuuca dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay Isgooka KPP ee Demada Hodan, gaar ahaan bar koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya. Inta la xaqiijiyay afar qof oo labo kamid ah ahaayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qaraxan Miino oo ahaa mid si weyn looga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho. Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sheeay in Qaraxa Miino uusan geesan wax qasaaro badan ah, waxa uuna tilmaamay in ay ku dhaawacmeen Afar qof oo labo kami ah ahaayeen Ciidamada Dowlada iyo labo qof oo kale oo shacab ah. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan Miino ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa ayna Sheegeen Al-Shabaab in qaraxan uu qasaaro kasoo gaaray ciidamo katirsan Dowlada. |