Qarax lagu weeraray dhalinyaro saarnaa Mooto oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0
636

Qaraxaani oo uu ka dhashay qasaaro kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn Wadada Warshadaha, agagaarka Warshada Biyaha Caafi ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid dhulka lagu aasay ayaa waxa uu haleelay Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa Sedex ruux.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxa uu dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray Sedexda ruux ee la soctay mootada kuwaasi oo markii danbe loola cararay xarumaha caafimaadka.

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo, walow aan weli la soo sheegin dad Qaraxa loo soo qabtay.

Qaraxan ayaa waxuu qeyb ka noqonayaan Qaraxyo is xigay oo maalmihii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid Caasimada Dalka