Qarax khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdihso

0
172

Qarax khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdihso

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Xooggan soo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana jugta Qaraxaasi si weeyn looga Maqlay Degmooyinka iyo Xaafado ka mid ah Caasimadda.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay Isgoyska Ifka Xalane, waxaana ka dhashay Khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida losoo sheegayo.
Qaraxa ayaa yimid kadib markii Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu isku dayay inuu si xoog ah kusoo dhaafo Barkoontrol oo Ciidanka Dowladdu ku leeyihiin Ifka Xalane, waxaana Ciidanku ay rasaas huwiyeen gaariga, kadibna waaxda dhul-bixinta oo isla goobtaasi ku taalla ayuu ku qarxay sida lasoo sheegayo.

Khasaaraha ka dhashay wali lama xaqiijin, balse waxaa lasoo sheegayaa inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii goobta ku sugnaa.
Laaamha ammaanka wali wax war ah kama soo saarin qaraxaasi, kaasi oo la sheegay in lala damacsanaa in magaalada Muqdisho gudaha loo soo galiyo, balse ay Ciidanka halkaasi ku sugnaa ay ka hortageen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here