Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaasi Iyo Wariyayaal La Xidhxidhay

0
157

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaasi Iyo Wariyayaal La Xidhxidhay

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid a magaalada muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Yardameeli ee degmada Xamar Jajab, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ku qarxay Xubno katirsan Al-Shabaab oo Mooto Bajaaj ku waday qaraxa, waxaana ku dhintay Saddex kamid ah halka Hal Ruux oo shacab a uu ku dhaawacmay.

” Saaka baare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa dhagar qabayaal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday Waaxda General Daa’uud, dhagartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabatay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe. Halka, qof muwaadin ah oo waddada marayay uu dhaawac fudud ka soo gaaray”.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Waliyow Cadde Gaashaanle Daa’uud Axmed Caraale ayaa Afar Wariye oo ka tirsan Risaala TV iyo 5TV xiray, xilli ay tebinayeen khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Kasoo Horjeedka Isbitaal Yardameli, Wariyaasha ayaa qalabkoodii laga qaatay waxaana lagu xiray Saldhigga Xamar Jajab.