Hargeysa(Halsan):-Afhayeenad u hadashay Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNCHR, ayaa shaaca ka rogtay in guddi ka socda Qarammada Midoobay loo saaray baadhista tirada rasmiga ah ee dadkii la socday doonni ku degtay Badda Mediterranean-ka oo boqollaal qof oo Soomaali u badan ku dhinteen horraantii toddobaadkan.
Mrs. Ariane Rummery oo ka hadashay shir Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ku yeeshay xaruntooda New York maalintii Arbacada, waxa ay intaas ku dartay inay daba-galka masiibadaas u saareen guddi baadhi doona sidii mashaqadu u dhacday, sababaha keenay in doonnidu degto iyo tirada muhaajiriinta ku dhintay.
Afhayeenka UNCHR waxa ay xaqiijisay in guddiga baadhayaasha ee Qarammada Midoobay tegi doonaan dalka Giriigga si macluumaad dheeraad ah oo uga helaan shilkaas oo ka dhacay Badda Mediterranean-ka, halkaasna kula kulmi doonaan dad ka badbaaday doonnida qarraqantay iyo sidoo kale ilo ka madaxbannaan.
Magacaabista guddiga baadhayaasha ka socda Qarammada Midoobay, ayaa ka dambeeyey kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirkii Golaha Ammaanka ka dalbay beesha caalamka inay qayb ka qaataan baadhitaannada mashaqadaas dadka badan ku naf-waayeen, gaar ahaan dhallinyarada Soomaalida ee tahriibka ahaa.
Badhtamihii bishan April ayey ahayd markii boqollaal qof tahriibayaal u badan Soomaali ku geeriyoodeen badda u dhexaysa dalalka Talyaaniga iyo Masar, kadib markii doonni ay la socdeen la degtay.
Dhanka kale, weli waxa jah-wareer ka taagan yahay tirada rasmiga ah ee Soomaalida ku dhintay doonnida ku qarqoontay Badda Mediterranean-ka oo sida la sheegay ay saarnaayeen in ka badan 400 qof oo tahriibayaal ah.