Qaramada Midoobay Iyo dowladda Finland Oo Ka Wada Hadlay Waxka Qabashada Abaarta Kajirta Soomaaliya

0
202

Qaramada Midoobay Iyo dowladda Finland Oo Ka Wada Hadlay Waxka Qabashada Abaarta Kajirta Soomaaliya

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ay kula kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen howlaha hortabinta u leh Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay taageerada gobolka iyo tan caalamiga ah intaba.

Sidoo kale waxa ay ka wada adleen wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo iyo horumarinta dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya wallow meelo badan oo kamid ah uu roobka ka da’ay.

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho & Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto ayaa ku balamay in la kordhiyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya si dhinac walba ay ugu guuleysato.

Qaramada Midoobay iyo Dowladda Finland ayaa waxaa ay kamid yihiin dowladaha iyo Hay’adaha taageera Soomaaliya, waxaana ka jooga Wakiilo xiriir la leh madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.