Qadiyadda Somaliland Cabdirahman Cirro oo difaacey lama maqal lama arag!!! by Abdilahi Hassan.

0
602

Qadiyadda Somaliland Cabdirahman Cirro oo difaacey lama maqal lama arag!!! by Abdilahi Hassan.

 

“Isku halaynta Dowladda Soomalia ee Xisbigga Wadani iyo isku halaynta shacabka reer Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi iyimaa mudan”

Mar wax lagga weydiiyey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Mohamed Farmaajo, oo runtii aan ixtiraam badan u hayo, kulan isagga iyo wafti Xisbigga Wadani ka koobaan yeesheen, waxii lagga wadda hadlay ee igu weynaa.

Madaxweynahu waxuu sheegay in ay isku dareen iyo hawl u socdaan, waxaannu yidhi Madaxweyne Mohamed Farmaajo, ” Haddee isku dareen ayaanu nahay” Taasi oo macnaheeddu yahay Xisbigga Wadani Soomaaliweyn ayuu u shaqaynayaa, rag aanu diranay oo waaweyna waa ku jiraa.

Hadaba, waxii la qariyo qudhun ayaa ku jira, ee Xisbigga Wadani iyo taageerayaashiisa sharafta iyo karaamadda mudani islama haystaan, oo waxaa jira wax badan oo Taageerayaasha Xisbigga Wadani ka daahsoon, oo ay ka mid tahay Soomaalinimadda madaxoodda iyo maskaxdoodda ka guuxaysa Madaxda iyo hogaanka Xisbigga Wadani maanta.

Waxaanna u marageedda, haddii reer Somaliland ay soo helaan 12 sanno ee Gudoomiye Cabdirahman Mohamed Cabdilaahi Cirro hogaaminaayey Golaha Baarlamaanka meel uu ku difaacey Somaliland, ama ugu jawaabey Madaxda Soomaaliya, oo arimaha Somaliland iyo geedi socodkoodda isku cadeeyey inuu raali ka yahay ama diyaar u yahay inuu dalkan iyo dadkan hogaamiyo, waannu u ogolahay, laakiin lama hayo runtii, oo Cabdirahman Cirro waa sir la luud weyn, oo Somaliland dhulka isu dhigaaya, oo hadhow xeeladdo iyo xadhka jaan la soo baxaaya, waar hooy ninkaasi idinma dhaqi karo, ee codkiinna hayska siininna maanta..

Anigoo Ummadda Soomaaliyeed iyo madaxda Soomaaliyeed midna necbayn, hadanna wax ayaa noo kala soocan, oo waa xaqa meesha yaalla taasi.

Musharax Cabdirahman Cirro iyo Xisbigiisu intaasi ayuu garan la yahay, waxaanna laggu hubaa in Xisbigga Wadani gacan saar toosa la leeyahay madaxda Soomaaliya runtii.

Nin aan Siyaaaddda waxba ka aqoon ciddi waxba ka weydiin mayso, waxaanu aad u daraasadeyney oo aanu hubnaa in wax weyni Xisbigga Wadani ka khaldanyahay, khaladkaasi iyo laaxinkaasinna uu ku jiro madaxda iyo hormoodka Xisbigga Wadani maanta.

Ummadda yaan la sirin, oo been laggu maaweenlin, rag muuqday baa jira, rag u janjeedha ayaa jira Xamar iyo dhankeedda, oo dhaqaale iyo tabarucaad weyn ku hela taasi. maalinta Doorashadda waa laysku dhex jiraaye sitoosa ayaa loo kala baxayaa, oo Somaliland iyo Soomaaliya weeye hirdanka Siyaasiggii runtii.

Laakiin, shacabka reer Somaliland cidi kuma faruur xidhi karto Xamar iyo midowga Soomaaliya, waxii wanaag iyo wadda hadal ka baxsan, xabaddii hore looggu kala calaf qaaday ayey ka xigaan runtii reer Somaliland, xabadinna xal maaha oo waa hubaal.

Ragga tabliiqaynta ku jira, waxaan leeyahay reerkii guur ee toosa, ragga shakiggu taasi kagga jiro, waxaan leeyahay la arkee, la maqlee raggaa oo beri Xamar u yaacay.

Waxiinna hagaajista oo sugga iyagga ayaa sumad weyn isku dhufan doonee mustaqbalka.

Wax bdan ayaa jira xam xam iyo gurdan iyo garba-gorayeyn ayaa jirta Somaliland laggu dirqiyaaya halkii ay ka guurtey, ee indhaha iyo dhegaha aad u fura.

wey cadaahay runtii.

Musharax Cabdirahman Cirro oo ama soomaaliya la hadlay ama qadiyadda Somaliland difaacey ninkii hayoow la kaalay.

Abdilahi Hassan.