Qadar oo Dacwo cusub ka gudbisay Dowladaha Xayiraada Dhaqaale kusoo rogay

0
592

Dowlada Qadar ayaa dacwad cusub oo ka dhan ah xayiraada Dhaqaale ee saaran ka gudbisay Dowladaha Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraatka Carabta iyo Masar, waxa ayna dacwadeeda u gudbisay ururka ganacsiga caalamka ee WTO.

Wasiirka dhaqaalaha iyo arrimaha ganacsiga ee Qadar, Sheekh Axmed bin Jasim oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xayiraada dhaqaale ee dalkiisa la saaray un uu yahay mid xad gudub ku ah qawaaniinta caalamiga ee ganacsiga iyo wax is dhaafsiga .

Xulufada Sacuudiga hor boodayo ee xayiraada kusoo rogay Wadanka Qadar ayaa heesta fursad mudo 60-maalmood ah si ay xaliyaan cabashada kasoo yeertay dowlada Qadar oo ku aadan xayiraada Dhaqaale ee lagu soo rogay.

Dacwadn laga gudbiyay xulufada Sacuudiga ayaan wali wax jawaab ah ka bixin, waxa ayna horey dowladahan ugu sheegeen ururka ganacsiga caalamka ee WTO in arimaha amniga dalkooda sababay in xayiraad dhinaca dhaqaalaha kusoo rogaan dalka Qadar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here