Qaar ka mida Culimada Dalka Oo Madaxweyne Siilaanyo uga Digay Koox Diimeed oo Wasiir Xirsi Wato

0
711

Hargeysa (Halsan)Culimada ehlu sunna wal-jamaaca ee ku dhaqan somaliland ayaa Madaxweyne siilaanyo uga digay kooxo la gaadayaa dabino siyaasadeed kuwaas oo uu Bishii Ramadaan dhexdeedi kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Kulankaas oo dulucdiisu ahayd inuu Madaxweynuhuu Magacaabo 12 wadaad oo kala meteella Goboladda dalka.

ehlu suna wal jamaaca waxa ay qorshahaas ku sheegtay inay wadaan koox yar oo diinteena Suuban uu kala saareysaa Fariiqooyin, waxanay sheegen in aanay uu dil-qaadan doonin hadii tallaabadaas la qaado. Culimadan waxa ay Madaxweyne Kula taliyeen in hadii uu Magacaabaayo guddi Culimo ah inuu uu cadaaladda sammeeeyo oo uu wax uu qaybiyo. Waxanay Cod dheer ku sheegen inuu arrintaas Abaabul-keeda lahaa Wasiirka Madaxtooyadda oo ka mid ah, Fariiqada ay ka qayliyeen inay siyaasadda ku milmeen. Sidaasi waxa ay ehlu sunna wal jamaaca ku sheegen war Murtiyeed kooban oo ay soo saareen. Waaxanu uu dhignaa sidan.

Waxa jirtay in 27-bishii ramadaan in xafladweyn oo warbaahintu goobjoog u tahay lagu qabtay xarunta madaxtooyada somaliland,taas oo ay kasoo qeyb galeen madaxweynaha iyo koox ka mida culimada dalka oo ku kooban oo kelyoa masaajidka cali mataan,sheegtayna inay yihiin culimadii dalka oo dhan, taasoo ah waxba kama jiraan,iyo khiyaamo la doonayo in la khiyaameeyo madaxweynaha, iyagoo isiugu sheegay in wakiil ka yihiin culimada dalka oo dhan, hadaba waxaanu madaxweynaha u sheegaynaa uguna baaqaynaa inaan soo dhaweynayno gudida 11-ka kooban ee dastuuriga ah,laakiin aanay nimankaas kuu yimid aanay matalayn culimada dalkoo dhan una dhameyn culimadu arintaasi aanu si xoogan uga soo horjeedno,hadaanu nahay dhalinyarta iyo culimada ehlu suna wal jamaaca ee somaliland,arintaas oo madaxweyne sababi karta khilaaf diineed oo hor-leh,oo aan somaliland hore uga dhicin, khilaafkaas oo dalal badan oo geeska ah baabiiyay

Waxanu ka codsanaynaa inaad dhex uu ahaato arriimaha dhowaan inagu soo kordhay ee Fariiqooyinka hadii kale, wixii ka dhacaa idinka ayaa Masuul ka noqon doonaa.

Hadaad xilal magacaabeyso waa inaad sii dhex ah ugu qaybisaa qaybaha kala duwan ee Culimada adigoo cadaaladda eegaaya

1.sheekh Guuleed Maxamed Ismaaciil Bulaale

  1. sheekh /fataax feysal c/laahi
  2. sheekh maxamed saleebaan cali
  3. sheekh C/raxmaan maxamed jaamac
  4. sheekh Siciid xiis cabdi
  5. sheekh khadar muxumed cabdi
  6. sheekh Axmed Maxamuud Xasan
  7. sheekh cabdi cali raage
  8. sheekh cali nuur ismaaciil
  9. sheekh yuusuf cali xasan

 

XIGASHO Waaheen

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here