Paul Kagame oo ku guuleystay Doorashadii ka Dhacday Dalka Rwanda

0
61

Paul Kagame oo ku guuleystay Doorashadii ka Dhacday Dalka Rwanda

 

Guddiga doorashada Dalka Rwanda ayaa sheegay in doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday Isniinti shalay uu ku guuleystay Madaxweyne Paul Kagame.

Guush Kagame oo aheyd mid la filayay, ayay guddiga doorashada sheegeen, in 99% codadka la tiriyay uu helay madaxweyne Paul Kagame, taasoo sii dheereyneysa xukunkiia 30 gu’jirsaday, ee dalkaasi dhaca Bariga Africa.

Labadi murashax ee Kagame kula tartantay doorashadi shalay oo kala ah— Frank Habineza oo ka socday xisbiga Democratic Green Party iyo Philippe Mpayimana oo ahaa murashax si iskiis ah isu matalayay, ayaa labuda helay wax ka yar 1% codadki la dhiibtay.

Natiijadan ayaa la mid ah tii kasoo baxday doorashadi madaxtinimada Rwanda ee sannadki 2017-ki, markaas oo uu Kagame ku guuleystay ku dhawaad 99% codadki ay dhiibteen shacabka dalkiisa.

Natiijada rasmiga ah ee doorashadan ayaa lagu dhawaaqi doonaa 27-ka bishan July.

Paul Kagame oo ah 66-jir ayaa soo xakumayay Rwanda tan iyo dhamaadki xasuuqi 1994-ki ee dalkaasi. Waxana uu ka mid yahay madaxda ugu waqtiga dheer Africa ee xilligaan.

Dadka naqdiya siyaasaddiisa ayaa sheegay, in ay iska caddeyd natiijada doorashada ka hor inta aanan la aadin sanaadiiqda codadka, sababtoo ah, xakumadda Kagame ayaa u diidday in ay tartamaan, laba murashax oo ka mid ahaa kuwi ugu cadcaddaa mucaaridka Rwanda.

Rwanda oo ka mid ah dalalka aanan badda laheyn ee Africa ayaa waxaa ku nool 14 milyan oo ruux. Wuxuu ka mid yahay dalalka sida aadka ah u sii koraya ee Africa, waxana lagu tiriyaa dalalka ugu xasilloon uguna horumarsan Bariga Africa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here