Ogaal oo Berri Wajahaya Dacwad Ciqaab ah oo Madaxweynaha iyo Marwadiisu Ku Ooggeen

0
660

Hargeysa(Halsan):-Subaxnimada Sabtida berri ayaa la filayaa in Wargeyska Madaxbanaan ee Ogaal lagu qaado dacwad ciqaab ah, oo ay kusoo oogeen Madaxweynaha iyo Marwadiisu, Gudoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir. Dacwadan ayaa salka ku haysaa laba War oo Wargeysku faafiyey bishii Sideedaad ee 2015-kii, kuwaasoo ku saabsanaa qorshihii wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera.

Hase-yeeshee lama garanaayo sababta sideed bilood ka hor wararka la faafiyey ay madaxtooyaddu imika dacwadda uga oogtay, balse Gudoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Farax Jaambiir oo aanu waxka weydiinay ayaa muujiyey inuu u arko ujeedada laga leeyahay dacwadan mid siyaasadeed oo qayb ka ah taseynta madaxbanaanida Saxaafadd, taasina ay tahay sababta eedda dacwadda looga dhigay mid ciqaab ah, isla markaana looga duway Xeerarka madeniga ah iyo Xeerka Saxaafadda.

Sidoo kale, Hay’addo Warbaahineed oo madaxbanaan ayaa xukuumadda kusoo oogtay dacwado ciqaab ah, kuwaasoo ay kamid yihiin, Wargeyska Hubsad, Waaheen, Xog-ogaal iyo Codka shacabka, iyadoo sidoo kale, xukuumadda Somaliland hore albaabada ugu laabtay Haatuf. Laakin dacwada Wargeyska Ogaal ee maalinta Beri ah la filaayo inay ka furanto Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, waxa ay kaga duwan tahay Kiisaskii hore u dhex maray Xukuumadda Siilanyo Saxaafadda, wwaxa eedda Wargeyska soo oogay Madaxweynaha iyo Marwadiisa, sida ku cad qoraalka eedda ee Xeer Ilaalinta .

Ururradda Saxaafadda iyo Hay’addaha xuquuqal insaanka ayaa walaac weyn ka muujiyey duulaankan cusub ee ciqaabta ah ee xukuumaddu kusoo qaaday hadhaagii Saxaafadda Madaxabanaan oo duruufo adag ku shaqeynaayey.isla markaana hadii aanay Maxkamaddu hor-joogsan Xeerkan Ciqaabta ah ee loo adeegsanaayo Saxaafadda, ay suuro-gal tahay in albaabada loo laabo inta ka hadhay Hay’addaha Warbaahinta Madaxabanaan.