Odayaal Faraha Kala Baxay Xal U Raadinta Khilaafka Hoggaanka UCID

0
638

Hargeysa(Halsan):- Kulamo ay yeesheen hoggaamiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo odayaasha beeshiisa islamarkaana lagaga arrinsanayay khilaafka u dhexeeya Faysal iyo Jamaal Cali Xuseen, ayaa la sheegay in ugu dambeyn Odayaashu faraha kala baxeen xal u raadinta khilaafka labada masuul.

Odayaasha iyo Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa doodo ay yeesheen kadib wuxuu guddoomiyaha Ucid caddeeyay inaanu ahayn musharax u taagan madaxtinimada Ucid, islamarkaana uu rabo in lagu tartamo xisbiga marka la gaadho shirkiisa golaha dhexe. Waxa uu sheegay in mid ka mid ah sababaha tartanku tahay inaanay xisbiga wada lahayn laba reer balse uu bulshada oo dhan u furan yahay.

 

Intaasi kadib ayay yeesheen Odayaashu inaanay halkaa u dhaafi doonin xal u raadinta muranka madaxda Ucid, wixii intaasi ka dambeeyana ay dhawrayaan in murankaasi loo tixgaliyay arrin xisbiga loona daayo sharciyadda xisbiga in lagu kala baxo oo golaha dhexe yeesho masuuliyadda musharaxiinta, maadaama Faysal caddeeyay inaanu musharaxnimada ku haysan Jamaal.

 

Muranka u dhexeeya Jamaal iyo Faysal ayaa ah mid ku salaysan cidda doorashada 2017 xisbiga uga qayb gali doonta. Faysal ayaa qorsheeyay in mar kale la doorto musharaxa xisbiga kadib tartan la galo, halka Jamaal rumaysan yahay inuu booska tartan u soo galay mar kale in lagula tartamaana aanay suuro gal ahayn.

 

Sidoo kale Faysal iyo Jamaal ayaa ku kala aragti fogaa in odayaasha beesha Jamaal iyo Faysal ka garnaqaan murankooda. Jamaal ayaa hore u sheegay in markii ay Faysal heshiinayeen odayaasha labada dhinac qayb ka ahaayeen heshiiska haddana qayb ka noqonayaan xallinta, balse Faysal ayaa ku dooday inaanu odayaashiisa ku faro galin sandaladooda iyaguna aanay arrimaha xisbigiisa faro galin karrin.

 

Source: Ramaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here