Ninkii ka Dambeeyay Weerarkii ka dhacay Paris oo la aqoonsaday + Sawirada

0
615

Booliiska dalka Faransiiska ayaa aqoonsaday ninkii ka dambeeyay weerar habeen hore ka dhacay magaalada Paris , weerarkan ayaa lagu dilay mid kamid ah ciidamada booliiska halka labo kalana lagu dhaawacay.

Ninka weerarkan ka dambeeyay oo isna la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Karim Shurfi, waxaana ninkan markii la dilay kadib jeebkiisa laga helay qoraal lagu taageerayo Kooxda Daacish, booliiska ayaana ninkan ku eedeeyay in uu horey dambiyo kala duwan u galay.

Dacwad ooge Francois Molin, ayaa sheegay in Karim Shurfi uu horey dambiyo kala duwan uga geestay dalka Faransiiska, waxa uuna tilmaamay in hore loogu xukumay afar fal dambiyeed oo uu galay oo diiwaanka ugu jiray.

Waxa uu sheegay Dacwad oogaha in ninkan dilay askariga booliiska uu horey u sheegay in uu doonayo in uu dilo askari booliis, waxa uuna meesha ka saaray in uu ninkan xariir la leeyahay kooxda Daacish oo iyadu sheegatay masuuliyada weerarka ka dhacay Paris.

Optimized by JPEGmini 3.11.5.0 0x96f93a33