Ninka Somaliland Maanta ka Hanjabayaa Waa Mid Xamar Ka Yimid, Mid Miyiga Ku Dhuumanayay iyo Mid Magaalada Ku Hadhay Oon Ogayn Wixii Loo Soo Maray..”Rooda Axmed Yaasiin

0
678

Hargeysa(Halsan) :- Madaxa Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil, Marwo Rooda Axmed Yaasiin, ayaa sheegtay in Cida bixisa amar khaldan oo Somaliland dhib u soo jiida lagala xisaabtami doono. Waxay naqdida ciidamada heeganka la galiyay iyo dad Berbera xukumadda taageero uga muujiyay oo ay niman waji ku macaash ah ku sheegtay.

 

 

”Waxaan leeyahay kuwa leh ciidamo ayaanu safnay dadkaad ciidanka ugu han jabaysaan waa kuwii Ciidamada sameeyay, kuwii horena hubka ka dhigay. Somaliland xabbado iskuma haysato ee cod bay isku maamushaa iyo Ixtiraam” ayay tidhi Guddoomiyaha Ucid Ee Saaxil Rooda Axmed Yaasiin.

 

Waxay intaasi raacisay ”Waxaanu leenahay ninkii maanta amra amar khaldan oo keena dhibaato ka dhacda Somaliland, ninkay afkiisa ka soo baxday ayaa loo raacayaa ee noqon mayso xukumadda Siilaanyo ayaa samaysay.

Maanta ninka kursiga ku fadhiya ee hanjabayaa waa nin aan waxba ka ogayn oo aan joogin wixii loo soo maray qaranimada Somaliland. Waa nin xamar ka yimid oo aan ogayn dagaaladii iyo dhibaatadii lagu xoreeyay Somaliland oo wixii ku dhintay sheeko ku tahay iyo mid miyiga ku dhuumanayay iyo tuug magaalada ku hadhay markii laga qaxay oo ku gabanayay. Saddexdaas uun baa Somaliland maanta ka hanjabi kara, waayo?, waa nin aan waxba ogayn nin aan waxba ogayna warkiisa cidi qaadan kari mayso, Ninkii kale wuu og yahay in Somaliland ku fadhido is tix galin, wada tashi iyo is ixtiraam nin kii kale isagaa og halka uu ka soo lisayo”.

 

 

Sidoo kale waxay farriin u dirtay taageero xukumadda looga muujiyo Berbera ”Kuwa Berbera waxaan leeyahay, Beberaay khuuro kale keena umaddii oo dhan baa idin baratay oo leh kuwiinii maantana way hadlayeene. Waar waxaad keentaan weji kale oo aad xukumadda ku taageertaan, oo shaqo fiican qabta taas baa xukumadda lagu taageerayaaye laakiin afar nin oo waji ku macaash ah oo la soo ururiyay oo hebelo ah oo aanu is garanaynaa ma meteli karaan codka Berbera.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here