NIN DHALINYARO AH OO KA TIRSANAA SHAQAALAHA SOMTEL OO LAGU DILAY MUQDISHO

0
686

Muqdisho (Halsan:)– Rag bastoolado ku hubeysan ayaa waxa ay ku dileen degmada Hol-wadaag  ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo sida la sheegay ka tirsanaa mid ka mid ah shirkaddaha bixiya adeega Internet-ka ee SOMTEL.

Goojogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag ku hubeynaa bastoolado toogasho ku dileen wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Daahir (Ilkacase),  islamarkaana ka tirsanaa shaqalaha shirkadda SOMTEL.

Ciidamo ka tirsan laamaha amniga ee Soomaaliya ayaa gaadhay halka uu falka dilka ka dhacay, iyaga oo bilaabay baadhitaan ku saabsan kooxihii falka ka danbeeyay.

Wararku waxaa ay sheeegayaan in ay weerareen koox budhcad oo doonayay in ay ka qaataan telleefoonkiisa gacanta, laakiin si rasmi ah looma xaqiijin karo warkan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyayba magan-satay xaalad amaan darro iyo dilal aan kala joogsi laheyn oo lagula kacayo dadka rayidka ah iyo shaqaalaha dowladda intaba, waxaana dilalka intooda badan geysta kooxo la garaneynin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here