M/weyne Axmed Siilaanyo Xil-gudasho la’aan baa loo haystee, ma khiyaamo qaran buu ku darsaday!!!!!.

0
861

Saaxiibayaal, ku soo dhawaada maqaalkan aan ku eegeyno arrintan layaabka ,filanwaaga iyo waliba fejicisada ku noqotay ummaddii Somaliland yar iyo weynba,ee dalkii dhamaa xukuumadda M/weyne Siilanyo dhaaf sadeen hunguri yar oo quudhsiya.Waxa hubaal ah mudo-kordhintana in ay u rabaan dhameystirka shirqoolkan xukuumadda Siilaanyo la wado cadowga dalkeena.
Arrinkan qaran-jabka aha ka hor waxaa dadbadani qabeen in xil-gudasho la’aan iyo mad-madow badan ku cadaayeen xukuumaddan tayada xun ee M/weyne siilaanyo hogaamiyo, haddase waxaabay la timi khiyaamo qaran!!!!!!!.
Waxaan la qabaa dadka aaminsan in M/weyne Axmed Siilaanyo oo noqday kii u horeeyey ee khiyaamo qaran ku kaca, in uu mudan yahay in uu noqdo M/weynihii u horeeyey ee Maamuuska laga xayuubiyo, sidaasna lagu soo afjaro hagar daamooyinkii uu ummadda aamintey weligiiba la daba joogey markeliyana aan abaalkii lamarin.Waxa kale oo ay tusaale u noqonaysaa nin kastoo danbe oo waxaas oo kale ku hammiya maadaama aan ognahay in M/weyne Axmed Siilaanyo Tababarey kooxo badan oo dalqada wax ka arka islamarkaasna wax kastaa ka suurta galaan.
Hadaba, shicib xumaha iska suulin-waayey amba dhiidhiyi waayey, ma liibaano mana waaro, meel-xuna wuu ku danbeeyaa. Sidaas daraadeed shicibka Somaliland waxaa lagudboon in ay taageero isla daba taagaan labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADANI si ay u gutaan waajib kooda shaqo. Ha moogaan in labadan xisbi heystaan codka shicibka Somaliland oo marka laysku daro u dhigma 51%, mas’uuliyadooduna tahay in ay xukuumadda hadba jirta ku ilaaliyaan gudashada xilkeed.Xukuumadda ummadii khayaantay waxa dadbadani moodayeen in odayga hagar-daamadiisu halkan gaadhsiisneyn haddase xaalku waa “Daahir-yaa- shamis” .
Geb-gebo shicibow ha noqon shicib duliya ama doqona oo laga laaluusho masiirkiisa iyo mustaqbalka ubadka-ubadkiisa.waxa laga hayaa habartii jirtay “ Baadhoo ina barayaaba ba’ney”.
Wabilaahi tawfiiq,
Qalinkii Cali Jaamac Diiriye, Birmingham- uk

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here