Muxuu Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyaddu Ka Yidhi Xil-Ka-Tagistiisa?

0
612

Hargaysa(Halsan):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, MD. Xirsi Cali X.Xasan,ayaa ka hadlay Xil-ka-tagistiisa,waxaana uu sheegay in Xilka Iyo Masuuliyadda ay dabcigooda tahay in la qabto iyo in layska casilaba.Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo uga mahad-celiyay mudda shanta sanno kor-dhaafaysa ee ay Wada-shaqaynaayeen.

“Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka.

Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey”.

Alla Mahad leh

Wa Bilaahi Tawfiiq