MUUSE GUUSHIISA WAXA MUFTAAX U NOQON KARA DHALINYARO FIRFICOON OO GARAB ISTAAGTA. BY CABDI CAWIYE

0
614

Sida xaqiiqada ah dhamaan ololayaashii la soo galay dalka  nooc kasta oo ay ahaadaanba cid kastoo

guulaysataa waxa loo aneeyaa guushiisa inta dhalinyaro ah ee ugu jirtey ololahaa.

Somaliland waxay Ku dhisantahay beelo waa run, laakiin mid ayaaney dadkeenu garanayn oo ah mid

kaba weyn ta beelaha oo ah is dhexgalka dhalinyarada ha noqoto mid ciyaareed ama mid siyaasadeed.

Aad ayaan ugu boqaadinayaa MUSHARAX MADAXWEYNE MUUSE booqshada iyo U kuur galka

dagmooyinka magaalada Hargeisa isagoo waliba ka bilaabay goobaha dhalinyaradu isugu timaado iyo

goobaha bulsha weyntu ku caweyso, waana meesha run ahaantii bulsha wax looga tebiyo.haddaba

iyadoo taasi ay jirto ayaa haddana waxa dhegta Ku badan MUUSE hargeisa ma dhaafi karo.

Waxaan taa ka leeyahay MUUSE maaha tobban qof oo habeen qudha gobolada wada gaadha, waana taa

ta  maanta aan maqaalkan u soo qaatay oo ah inuu MUUSE U baahanyahay dhalinyaro firficoon oo ka

shaafida dhamaan gobolada maaha, masalada meesha taalaa maaha Odayaal duub waaweyn oo hilib iyo

qaad cuna reer hebel anagaa madaxa hayna yidhaahda, laakiin wuxuu U baahanyahay dhalinyaro aad iyo

aad u hawl kara oo fikiradaha iyo ajendaha XISBIGA KULMIYE meel kasta kala dhaca kana dhaadhiciya

bulshada dhamaanteenba

Dhalinyarada hadii ay Ku badan tahay xisbiga waxaynu wada ognahay in xisbigaasi aanu noqonayn mid

faashil ah .

Waxaan kula talinayaa masuuliyiinta ololaha iyo MUUSE ba inay ololohooda qaybta ugu weyn ka dhigaan

dhalinyarada waayo SIILAANYO cida soo saartay waa dhalinyaro 80% .

Gobolada laftoodana imikaba ay dhalinyarada ka hawl galinyaan si ay dariiqa ugu sii xaadhaan.

Inta badan waxa dhalinyarada lagu doortaa waa:-

. firficoon

. Qabyaalada oo Ku yar

. bulshada oo aan ka urineyn reer hebel IWM

Mar kaa waxa aan ku soo gunaanadayaa muusow gushaadu waa dhalinyarada ee  maaha  odayaal

duubyo waaweyn.

Facebook :- Cabdi Caawiye Ismacil GUNTI-GAAB

Telephone :- +252634115877