Muuse Biixi Oo Qirtay Inuu Ku Tiraabay Weedh-xajiimaysan Oo Barmadaw Ku Noqotay Dhaq-dhaqaaqiisa Siyaasadeed+Wasiir CUKUSE Oo Ku Edeeyay Inuu Leexiyay Ujeedkii Hanjabaadiisa

0
559

Hargaysa:(OWN)-Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,ayaa markii ugu horaysay waxa uu si rasmi ah u qirtay hadal uu yidhi Sannadkii 1994-kii isaga oo markaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii Maxamed X. Ibraahim Cigaal,kaas oo ah hal-ku-dhig barmadaw ku noqday Saaxadiisa Siyaasadeed ee ee Wakhti Xaadirkan isla-markaasna Laf dhuun gashay ku noqotay.

Gudoomiyaha oo habeenkii xalay Su’aalo Toos ah lagu weydiinayay Barnaamij uu soo qaban-qaabiyay TV-ga Af-ka Somaliga ku hadla ee HCTV,ayaa waxa ka mid ahaa Su’aalihii la weydiiyay oo uu Weydiiyay Wiil dhalinyaro ah oo Magaciisa la yidhaahdo Cabdiwahaab Xasan Ismaaciil,sida tan:

S: “ Gudoomiye,maadama aad doonayso inaad Somaliland hogaamiso,qeybka Shacabka Somaliland ka mid ahina ay ay waxyaabo badan kaa tabanayaa,kuwaas oo aad berry cod ka rabto,Waxaad tidhi 1994-kii addiga oo Wasiirka arrimaha Gudaha ah “Anniga oo wax dili kara,Duco Qaadan maayee,Dabci Qorigu hay jaro”.

Gudoomiyaha,ayaa waxa uu si cad u u qirtay Inuu Kelmaddaas yidhi,balse waxa uu intaas raaciyay in Ujeedka hadal iyo Cidda uu ku socdayba la bedelay,waxaana uu eeddaas duurta u saaray Masuul ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ah Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (CUKUSE),Waxaana uu intaas raaciyay inuu Hadalkaas ula jeeday Cadaga Somaliland oo uu ku tilmaamay inay Somaliya ahayd.

Haddaba,hadalkan kasoo yeedhay Gudoomiyaha ayaa laga qabsi qabaa inuu samayn taban oo toos ah ku yeeshay Hammigiisa Siyaasadeed,isaga oo sida Jawaabtiisa ka muuqta ku andacooday in aan hadalka cid u jeeday aanay ahayn reer Somaliland,inkasta oo lawada xasuusan yahay in aanu Wakhtigaas jiran Dagaal ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya,balse uu Dalka ka taagnaa Dagaal Sokeeye oo u dhexeeyay Beelo Walaalo ah.

Waxa kale oo ay arrintani meesha ka saaray Dafiraad ay Samayn jireen Beesha uu kasoo jeedo Gudoomiyuhu,kuwaas oo sheegi jiray in aanu Hadalkaas odhan.