MUUSE BIIXAW SIDIG SIDIGTAADA MOOYEE DHUL U DHACAAGA HUBSO, MA LAGA YAABAA IN XISBIGA UCID IN LABADA AAD SHEEGTAYBA DAADKA KU DARO, OO UU SANKOODA FUUD IYO FAAR KA KEENO.

0
702

Marka hore waxaan salaamayaa umadda Somaliland meel kasta oo ay joogto gudo iyo debedba, ka dib waxa maalmo ka hor uu gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu meel fagaare ah oo uu khudbad ka jeedinaayey ka dhawaajey, in loolankii doorashooyinka ee soo Somaliland ay iskugu soo hadheen faynalkii laba Xisbi oo kala ah Xisbiga Kulmiye, iyo Xisbiga Wadani, oo ay kala hogaaminayaan madaxweyne siilaayo iyo gudoomiye cirro, ee waxaanu ugu baaqaynaa shacabka Somaliland iyo ka reer burcoba inay si cadaalad ah u kala saaraan, yaab, waa hadal af ka weyn, in gudoomiyehu uu Xisbiga qaranka ee Ucid uu xaawilo in uu buste dhakada ka saaro oo uu ku qariyo, amaba saaxada XIsbiyada iyo doorashooyinkaba ka saaro, ama ka soo qaado waxaan jirinba, waa wax lala yaabo ujeedada ka danbeysey ee ilaa xadkaa la martay muuse, ha ahaato xaqirid, ama ha ahaato isla weynaan maadaama uu maqlay waxaad noqonaysaa musharaxa Xisbigooda, ama ha ahaato cadho uu u qabay, ama ha ahaato daasadaha u sii tuur ha yaacaane hogaanka iyo taageerayaasha Xisbiga Ucidba e, iwm tay doontaba ha noqoto, ee waxa cadaan ah oo laba ku muransanayn, in uu gef fool xun ka galay gudoomiyuhu Xisbigaas iyo taageerayaashiisaba, oo aan ka qabanayn.

Hadaba si aan u ogaano xaqiiqada dhabta ah ee ku gadaaman sadexda Xisbi qaran, mid walba umadda Somaliland ka haysato ee dhabta ah, mid walba xadi taageerayaashiisa lagu qiyaasi karo manta, aqoonta uu leeyahay fikirka laga haysto mid walba hogaamiyeyaasha iyo musharixiinta sadexda Xisbi, Xisbigee ka haysta taageerayaal gobolada dalka oo dhan, kuwee se ka haysta degaano gaar ah oo qudha, iyo jawaabaha su’aalo badan oo muhiim u ah qiimaynta sadexda XIsbi, oo ay ku jiraan soo bandhigida asraaro laga yaabo in aanay umadda Somaliland hore u maqal, oo ku ridi doona yaab iyo infariir, iyo afkala qaad aanay filaneyn, oo laga soo faqay maktabyadooda hoostooda iyo qalalka danbe, su’aalahan waxa ka mid ah, madaxweyne siilaanyo iyo wiilka qalqaaliga ah ee xirsi ma ka dhabaa, in ay iyaga iyo taageerayaashooduba ku dabafaylidoonaan murashaxa iyo xisbiga Kulmiye doorashooyinka soo socda, mise ujeedadoodu waa sidii gudoomiyinimada Xisbiga ay gacantooda ugu soo celin lahaayeen oo qudha, oo codkooda waxay heshiis kula galeen Xisbi kale???, Xisbiyadee lagu xantaa inay dabada ku hayaan qabiil ama beel, isla markaana u adeegsada hab qabiil ama beeleed inay ku helaan taageerayaal??, ma heshiis sir ah oo ka dhaxeeya madaxweyne siilaanyo, xirsi iyo gudoomiye cirro ayaa jira oo ku saabsan doorashooyinka soo socda, iyo saami qaybsiga dawlada ka dhalan doonta??, rajo intee leeg ayuu ka qabaa Xisbiga Ucid inuu ku soo baxo doorashooyinka???, maxay tahay sababta dhabta ah ee u diidan in Xisbiga Ucid ay ku biiraan siyaasiyiin khibrad leh oo taageero ka haysta qaybo ka mid ah bulshada?? maxayse tahay qabta hortaala xarunta Xisbiga ee u diida intaageerayaal muglihi galaan ama ku biiraan??.
Jawaabaha su’aalahan, iyo qaar kale oo badan, oo aad layskugu hawlay helida xaqiiqadooda, waxaad kala socotaa qaybta labaad ee maqaalkan maalmaha soo socda.
Q O R E ; CAWAALE DALJIR.