Musuqa Dawladda Hoose & Dilka & Isku Dhaca Shicibka

0
622

Waxaan aragnaa oo aan maqallaa dhul had iyo jeer muran ka taagan yahay oo murankaasi keeno isku dhac iyo dhagar ka dhex dhaca shicibka. Waxa laga hadlaa uun yaa wax dilay iyo yaa la dilay iyo sidee mag loo kala qaataa iwm ee marna lagama hadlo maxaa keenay oo sabab u ah. Waxa masuul ka ah muranka badan ee ka taagan dhulka (jagooyinka ) dawladda hoose ee Hargaysa. Waayo dhul qof leeyahay oo sharciyeysan oo uu cashuur ka bixiyey ayaa qof kale oo damac u socda ayaa loo soo samaynayaa waraaqo iyaguna “sharci” ah. Waa isku dil cad oo dadka la isku dilayo. Masuuliyadeedana waxa iska leh maayarka iyo ciddii kale ee masuul ka ah dhul bixinta. Masuuliayadda maayarku waxa weeye isagaa xukuma kuwa dhul bixinta ee ummadda isku dilaya waxayna ahayd inuu xafiiskaa xun nadiifiyo. Wasiirka gudaha laftiisu inuu arintan iska indho tiro maaha. Waxaa iyana nasiib darro ah in maxkamaduhu iyagana musuqu ragaadiyey oo ayna soo qabanayn maayirka iyo ciddii qofkan labaad u soo samaysay waraaqaha ee iyaguna shicibka isku dilayaan oo marba mid uu u xukumayaan. Gelinka horena xaaji Cali gelinka dambana ku qabsade.
Markaa magaalo sidaa 20 sano iskaga daba wareegaysa waxba yaynaan u ooyin marba inanka yar ama odayga lagu dhex tooganayo jagadoodii. Waxba yaynaan eedayn askariga miskiinka ah ee la soo siiyey kii laaluushka bixiyey. Askarigan oo markii dhagax lagu asqeeyey is yidhi is badbaadi oo xabbada furay. Dambiilayaasha iyo dhagar qabayaashu waa kuwa fadhiya dawladda hoose. Inta reer Hargaysa ay kuwaa weli isku dirayaan geerida iyo dhiilladu way taagnaan maalin walba. Ogow hadda dilku waa halka ugu dambaysa oo marka dadka wada hadal lacag iyo laaluush bixin ka soo dhammaatay oo ayna jirin cid uu u dacwoodo, oo u waayo sharci iyo dawlad ka qabata qofkan dhulkiisii ka xoogaya ee dulmiga iyo gardarada u socda ayay imanaysaa gacantu: dhagaxtuur, toogasho iyo dhagar.
Waar caddaalad dadka ha loo raadiyo oo sidan ha laga daayo. Waa ayaan darro in afar inan oo fadhiya dawladda hoose iyo afar gacan saar la lihi ay dalkeena baabiiyaan oo umadeennu maalin walba isku disho. Waxaa weliba ka daran inta agoon iyo miskiin maalin walba dhulkoodii laga dhacayo. Kuwan oon lahayn cid u hadasha, cid dhagax u tuurta iyo cid wax u disha toona. Ma hargaysaay oohinta iska daa haddaanad cadowga runta ah is ka dhicinayn!!!!!!!
Ummad Ilaahay ma beddelo, haddayna iyagu is beddel keenin.

Wa billahi tawfiiq
A. Amir Bidde Nuur