Cabdixakiim Cabdillaahi Gelay oo ah maamulaha kastamka madaarka Hargeysa ayaa tan iyo intii loo magacaabay xilka maamulaha kastamka madaarka Hargeysa si joogto ah ugu kacayey musuq-maasuq aan kala joogsi lahayn,kaas uu uu lacagaha cashuurta allaabta kaarkooga laga qaado ku leexsado, isla markaana uu ku shubto lacagahaasi sanduuqyo u agaar ah isaga iyo gabadha uu qabo ,sida ku cad nuqulo waraaqo ah oo ay soo gaadhsiiyeen war-baahinta ganacsato u adkeysan waayen musuqaas,kuwaas oo ka xumaaday lacagaha cashuurta ah ee laga qaadayo iyaga ee aan haddan ku dhacayn sanduuqa dowlad ee uu ninkanu ku shubanayo qasnadaha u gaarka.
Maamulaha kastamka madaarka Hargeysa oo ay isku jifo yihiin wasiirada maaliyada Samsam Cabid Aadan ayaa la sheegay in wasiirada musuqa Samsam lafteedu Lacagahan uu yarku leexsado ay wax ka cunto, isla markaana ay saami go’an ku leedahay.
Dhanka kalena Sida ay muujinayaan waraaqaha ay heshay war-baahintu ayaa waxa ku cad war-qada koobaad in lacag dhan $ 34,900.00 Safar iyo sodon kun sagaal boqol oo dollar lagu shubay teleefanka 4134550,kaas oo magaca Zaadka ugu qaran uu yahay haweenay lagu magacaabo Hibo Baashe,taas oo la sheegay in ay tahay xaaska uu qabo C/xakiin Gelay,waxaanay lacagtanu ku gaadhay lambarka marar kala duwan sida ka muuqta waraaqdan laga soo daabacay adeega Zaadka, iyadoo ay xusid mudan in ay lacagtaas aanu sheegnay ay ahayd lacag cashuur ah uu ku amray gelay Ganacsadaha diray in uu ku shubo lambarkaasi.
Sidoo kalena war-qada labaad ayaa muujinaysa lacag qadarkeedu dhanyaha $ 10,910.00 toban kun sagaal boqol iyo toban doolar,taas oo si gaar ah ugu dhacday teleefoonka 4412354,kaas oo ah mid kamid ah lambarada uu Isticmaalo C/xakiin C/laahi Maxamuud Galey oo ah maamulaha musuq-maasuqa ku kacay ee kastamka madaarka Hargeysa.
Si kastaba ha-ahaatee maamulka Kastamka madaarka Hargeysa ayaa dhex fadhiya musuq-maasuq aan abid hore loo arag, waxaanu samayste meelo u gaar ah isaga oo uu lacagta ku shubto,waxaana xusid mudan in uu dadka badeecada kala soo degaya madaarka ku amro in ay ku shubaan lacagta telefoonkiis iyo ka gabadhiisa ,
Lasocda nuqulo waraaqo ah oo kale oo ay ku qorantahay $ 60,000 lixadan kun oo dollar oo cashuur ah ,taas oo ku dhacday qasnada C/xakiin Geley iyo qoyskiisa.