Muslimiin Tiro Badan oo Ciidii Shalay Gaka Qaybgalay Salaada Magaalada Portland ee Dalka Maraykanka

0
671

muslimin3US (Halsan) Muslimiin tiro badan ayaa isugu yimid Hool weyn oo la yiraahdo Expo Center ee Magaalada Portland – Gobolka Oregon ee dalka Mareykanka, si ay ugu takadaan Salaadda Ciidul-fidriga ee shalay.

Goobtan ayaa waxaa ku tukaday dad tiradoodu kor u dhaafayso 2,000 Qof ma ahayn dadkaas Soomaali keliya, balse waxay isugu jiree dhammaan jaaliyadda Muslimiinta ah ee ku nool Gobolka Oregon.
Dadkii isugu yimid halkaas ayaa lagu sheegay inay yihiin dadkii ugu badnaa ee abid isugu soo baxay Tukashada Salaadaha Ciidaha, iyadoona ay si weyn ugu dhex-muuqdeen Soomaalida ku nool Gobolkan.

Farxad & Rrayn-rayn ayaa ka muuqatey Wajiyada muslimiintii halkaas isagu soo baxay. Carruurta waxaa loogu labisay dhar qurxo badan, Tukashadii Salaadda Ciida kaddib ayaa carruurta Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Portland ee Gobolka Oregon ayaa lagu arkayay carwooyinka waaweyn ee ku yaalla Gobolka iyagoo damaashaadaha.
Muslimiintii isugu soo baxay Tukashada SalaaddaCiidul-Fitriga ayaa Banaanada iyo waddooyinka u yeelay muuqaal aad u Qurux badan, kaasoo aad moodeysid Aleel la daadshay.
Ugu dambeyn, Muslimiinta ayaa ciidda isugu hambalyeynayay ciidda, kaddib markii ay soo dhameysteen 29-maalmood oo Ramaadan ah, iyadoo Waddamada uu ka mid yahay Mareykanka ay Muslimiinta ku nool soomayeen in ka badan 20-saacadood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here