Mujaahid Xasan Ciise Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Heshiiska Dp World, Xaalada Guud iyo Xanaftii Ka Dhalatay Doorashooyinkii Hore
Hargeysa (Halsan) – Madaxweyne Ku Xigeenkii ugu horeeyay Ee Somalilnad Xasan Ciise Jaamac ayaa ka hadlay Xaalada Guud ee ay Somaliland Gashay.
Waxa uu si qoto dheer uga hadlay Heshiiska Shirkadda DP World, Ololeyaashii Doorashooyinka iyo xanaftii ka dhalatay.
Sidaasna waxa uu ku sheegay War qoraal ah oo uu nuqul ka mid ah so gaadhsiiyay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews, waxaana uu qoraalkiisaas oo uu ciwaan uga dhigay “Laba eray, mid gaara iyo mid guud, Marxaladan iyo Somaliland” uu ku yidhi.
1.Ereyga gaarka ah ee marxaladan: Shaki igagama jiro laba arimood. Hadii uu Muuse maanta mucaarid ahaan lahaa, Cirrona
madaxweyne ahaan lahaa shaki igagama jiro in Muuse u caaridilaha ciro sida uu imika Ciro u caaridayo Muse iyo si ka daran.
Waxa kale oon shaki igaga jirin in hadii arintu sidaas ahaan lahayd ( ileyn ma muuqdaan cid u bedelilaheyd sacuudiga iyo imaaraadkuye ) inuu Ciro saxeexi lahaa heshiisyada Imaaradka ee uu imika ku canbaareynayo Muse.
Waa halkii reer bariga fog ee boowe maxaa kuu baxay?! Waxa kuu baxay waa siyaasad ah bariga dhexe !
2.Ereyga guud: Nidaamka siyaasadeed ee dimooqaraadiyada iyo xisbiyada badan waxaynu kasoo qaadanay reer galbeedka.
Ma xuma, oo cilmiga iyo xikmada waxa la ina faray inaynu meelkasta ka doonano. Tariikhda aduunkuna weligeedba waxay ahayd laga barayba laga badi.
Waxase cadaana inaanu nidaamkani si fican u abaqaalmin waabeynu siganey ololoyashii iyo labadii doorasho ee udanbeeyey.
Waxaad ku garaneysaa, colaada iyo ceyda iyo naceybka ay is weydarsanayaan taageerayaasha muxaafidka iyo mucaaridku.
Waxa la gaadhay, ayaan qabaa, wakhtigii aynu dib u eegis ku samayn lahayn nidaamkan aynu dibada kasoo qaadanay ee aynu qiimaynlahayn waxaynu ka faa’iidnay iyo wixii dhibaato ah ee uu inagu keenay, dabeetana xalka isweydiinlaheyn.