MUJAAHID CALI GUREY OO SIYAASADA MUUSE BIIX KU MACNEEYAY XADHIG IYO XABBAD.

0
572

Hargeysa (Halsan):-Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Gurey) ayaa sheegay in hadii madaxwayne Siilaanyo wax ka maqlo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ay tahay mid uu dalka ku xukumi doono xabbad iyo xadhig.

Mujaahid Cali Guray waxaa uu carabka ku dhuftay in Guddoomiye Muuse Xalkiisu yahay Xabad iyo xadhig isagoo sidoo kalena sheegay laba masuul oo Muuse Bixi ku hanwaynyahay Inuu xidho .

Mujaahid Cali Gurey Qoraal Kooban oo ku baahiyay degelka uu ku leeyahay barta ay bulshadu kuwada xidhiidho ee Facebooga oo arintan kaga hadlayo ayaa u dhignaa sidan:-

“Saacadan aynu joogno Muse waa madaxwayne wax aan xadhig iyo xabbad ahayna xal uma yaqaan. Kol hadii wax kasta uu yidhaa uu ka soconayo Madaxtooyada waxa laga fili karo cidii si fiican u taqaan ayuun baa garan karta. Madaxwayne arin hayaa oo isagu dalka hogaaminayaana ma jiro. Sida aan is leeyahay wuu ku taamayaa labada shakhsi ee hadii ay isla beri U suurtogeli karto uu jeelka dhigayaa waxay noqon karaan Samaale oo uu is odhan karo cid gaar ah ku raaligeligeli iyo Xirsi oo isagu NINKA dhexda ka ciyaaraya ee kubadda qaybinaya ah waana barta dagaalka ugu wayni ka bilaabmi doono.”

Cali Yuusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here